“Xilligii [Siilaanyo] Mucaaridka Ahaa Ayaa Boos Ku Xaasidka in Badan Na Durayey Hadallo Naga Qoreen, Laakiin Madaxweynuhu Dheg Jalaq Umuu Siinin Oo Awoodiisa Ayuu Nagu Magacaabay”

0
36

Wasiir  Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) Oo  Haddallo Lagu Xidhiidhiyey Cahdigii Madaxweyne Siilaanyo Mucaaridka Ahaa Ee Uu Isaguna UDUB Ahaa

“Waxaan Leeyahay Taariikhda Ayaa Qori Doonta In  Madaxweynuhu Aanu [Baashe Cawil] Ku Duudsiyin Xigto Ama Gacal Baad Tihiin, Xil Yaa Qaadi Kara Lama Yidhaahdee, Waxaa La Yidhaahdaa….”

wasiir kuxigeenka arrimaha dibada axmed kayseHargeysa (Hubaal)- “Xil yaa qaadi kara lama yidhaahdee, yaa ka soo bixi kara ayaa la yidhaahdaa’ sidaa waxaa yidhi wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa markii u horeysay ka hadlay digreetada uu Madaxweynaha Somaliland ugu magacaabay xilka wasaaradda arrimaha dibedda oo uu shan sanno ka hor wareejiyey. Wasiir Keyse oo xalay ka hadlay xafladda lagu qabtay xarunta wasaaraddaas oo uu xilka wasiir ku xigeenka kagala wareegay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaas Mowliid Maxamed Ibraahim, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo uu sheegey in lagu duray awoodda distooriga ah ee madaxweynuhu ku magacaabay isaga iyo safiirrada cusub ee UAE iyo CHINE loo magacabaay. Waxaana uu sheegay in xilkan wasaaradda arrimaha dibedda oo uu hore u hayn jiray xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ay jiraan shakhsiyaad ka xumaaday magacaabsitiisan dambe isla markaana naqdin uga dhigay in Masuuliyiin uu kamid yahay isagu ay ahaayeen mucaarid xag jir ah oo qoraallo taban ka qori jiray Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa. “Waxaan Madaxweynaha ku bogaadinayaa dhiirigelinta uu ku dhiirraday iyo go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay isaga oo ka faa’iidaysanaya awoodiisa distooriga ah  in xilkan noo magacaabay aniga iyo Saaxiibkay Mingiste iyo Baasheba”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Axmed Keyse, waxaana uu intaa ku daray isaga oo sharraxaya sida loo arkay magacaabistiisa iyo dhaliilaha loogu jeediyey, “Annaga waxa nalagu tuhmi jiray mucaarid adag bay ahaayeen oo Madaxweynuhuna xilligii uu Mucaaridka ahaa ayaa hadallo nalaga qoray ama qoraallo nalaga sameeyey, laakiin Madaxweynuhu waa diiday in taas uu xaqayaga distooriga ah uu ku duudsiyo, damiirkiisuna wuu diiday, waana nala magacaabay, dhegna jalaq umuu siinin boos ku xaasidka iyo siyaasi ku xaasidka  in badan aniga iyo mingiste na durayay, waxa kale oo aan Madaxweynaha ku bogaadinayaa dhiiri-gelinayaa  magacaabista uu magacaabay in Muwaadinkaa (Baashe Cawil) uu Wasiirku soo jeediyey magacaabistiisa iyo inuu ka soo bixi karo xilka safiirka imaaraadka carabta in aanu xaqiisa ku duudsiyin xigto ama xigaal baad tihiin ama gacal baad tihiin, waxaana qori doonto taariikhda, dad badan ayaana laga yaabaa meelahaas inay [Madaxweynaha] ku ceebaynayaan magacaabista annaga nala magacaabay. Waxaanan leeyahay xil yaa qaadi kara lama yidhaahdee, yaa ka soo bixi kara ayaa la yidhaahdaa,”. Wasiir ku xigeenka Cusub ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa xilka uu xalay la wareegay waxa uu hore u wareejiyey 29-kii July ee sanadkii 2010-kii markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Xilka la wareegtay.  Ka hor xilkaasna waxa uu Axmed Keyse Ahaa agaasimaha gudu ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here