Xirsi Cali X. Xasan Maxamed Biixi Yoonis Oo Ku Biiri Doona Xisbiga WADDANI Xaflad Bilaa Taageerayaal Ah Oo Maanta Lagu Qaabilayo

0
28

biixi-yoonis-iyo-xirsi

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirradii hore ee wasaaradaha Madaxtooayda, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo arrimaha dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa iyaga oo aan midkoodna wadanin halo day oo beeshiisa ah la filayaa inay maanta ku biiraan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Wasiirradan hore ee xilalkii xukuumadda iska casilay, ayaa lagu wadaa inuu xisbiga WADDANI maanta munaasibad soo dhaweyn ah u qabto, xilli aanu midkoodna wadanin ugu yaraan halo day oo beeshiisa kasoo jeeda, waxana ay taasi muujinaysaa inaanay jirin wax taageero ah oo ka haystaan ciddii ugu dhaweyd oo reerahooda ah.

Waxgaradka iyo odayaasha beelaha ay labadan siyaasi kasoo jeedaan, ayaa ka biyo diiday go’aankii ay xukuumadda iskaga casileen, waxana saluuggaasi aakhirkii keenay inay faro madhan isa soo taagaan, isla markaana go’aansadaan inay lafahooda oo khali ah la tagaan xisbiga WADDANI.

Odayaasha, salaadiinta iyo waxgaradka beelaha labadan siyaasi kasoo jeedaan, ayaa intooda badani waxa ay si weyn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE oo ay weligoodba mabaadiidiisa la dhacsanaayeen, iyaga oo ka biyo diidsan gebi-dhaclaynta ay siyaasiyiintani ku jiraan iyo qoqobka ay kaga go’doomeenbulshadii ay isku aragtida ahaayeen.

Siyaasiyiintan go’doonka ah, ayaa faro-madhnaantooda la dhex tegaya xisbiga WADDANI, iyaga oo ay ujeeddadoodu tahay sidii ay u heli lahaayeen madal u sahli karta inay ka qayb qaataan laacdanka siyaasadeed ee dalka ka jira, isla-markaana helaan meel iyo magac ay hadalkooda u isticmaali karaan.

Xubnahan keligood socodka ah, ayaa weli sii kulaalaya magacii ay lahaayeen xilligii ay xukuumadda katirsanaayeen, waxana weli kaskooda ku jira karaamadii xilalka ay qaranka u hayeen ay weli guudkooda saaran tahay.

Lama garanayo faa’iidooyinka uu xisbiga WADDANI ka dheefi karo xubnaha gooni socodka ah ee cidlada ka taagan taageerada ciddii ay kasoo jeedeen, waxase hubaal ah inay madasha lagu soo dhaweynayo tegi doonaan iyada oo aanu garabkooda joogin ugu yaraan hal oday oo beelahooda kasoo jeedaa.

Gobollada Todheer iyo M/jeex oo ay labada siyaasi kasoo jeedaan, ayaa bulshada ku dhaqani waxa ay si hagar la’aan ah u taageersan tahay xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxana deegaannadaas looga arkaa rag fallaagoobay oo aan meesha ay tagaanna faa’iido kusoo kordhin doonin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here