“Xirsi Dawladdii Siilaanyo Waxa Uu Ahaa Raggii Lahaa Ma Suurtaa La Afuufayaa Hadday Doorasho Dhici Weydo, Wuxuu Ahaa Raggii Mudaharaadka Kasoo Horjeeday”

0
17

Taliye Dabagale Oo Soo Faqay Falal Buugga U Galay Oo Uu Ku Kacay Guddoomiye Xirsi Axdigii Siilaanyo Iyo Kii Daahir Rayaale

Hargeysa (Hubaal)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa waxaa uu soo faqay taariikhda madow ee Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo shalay shir jaa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale soo bandhigay falal uu xilliyo hore ku kacay Guddoomiye Xirsi xilligii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo.

Waxaa uu Taliyahu taxay waxyaabo uu sheegay in guddoomiye Xirsi sameeeyay xilliyo hore, isagoona ku eedeeyay in uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee gabadh Maxkamad soo taaga, islamarkaana ahaa ninkii iska casilay Komishanka doorashooyinka si Doorashooyinkii wakhtigaasi u fashilmaan. “haddaba xirsi waa kuma, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka? Waxaan doonayaa maanta si naloo kala saaro, xirsi dawladdii tan ka horreysay ee Kulmiye waxa uu ahaa raggii ugu awooda badnaa, ragga go’aamada ugu waaweyn gaadhi jiray buu ahaa, anigu dawladda ayaannu kuwada jirnay. Doorashadii 2008-dii xubnihii komishenka ayuu madax ka ahaa, wuu iska casilay si ay doorashadaasu ay khalkhal u gasho,mar labaadkii isla 2008-dii Xirsi waxa uu abuuray jabhad hubaysan, baabuur buu qoryo saaray, ciidan buu la baxay, dawladdii Daahir rayaale ee xiligaas jirtay wuu ka hor yimid. Wuxuu ciidanka boolisku soo qabtay isagoo hawshaas ku jira ayaa gacanta lagu soo dhigay oo lasoo xidhay. Markii saddexaad dawladdii Siilaanyo xiligii ugu danbaysay markii danihiisu ay ka dhammaadeen, wuxuu isku dayay inuu inqilaab ku sameeyo isagoo xubintii ugu xoogga weynd ah, 12 xubnood (wasiir) baa iska casilay fikradana isagaa lahaa oo dawladaasi dirqi bay ku badbaaday. 2014-kii waxa uu ahaa raggii u doodayay kordhintaa uu maanta kasoo horjeedo ee ay baarlamaanka isku qabsadeen ee xataa halhaysaha la baxay, sankay caano ka keeni iyo wax lamida, isagoo leh ma cirkaa soo dhacaya iyo ma suurtaa la afuufayaa hadday doorasho dhici weydo. Raggii mudaharaadka kasoo horjeeday waqtigaa ayuu ahaa.” Ayuu yidhi jananka ciidanka booliska Somaliland oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada hargeysa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here