Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhiga JSL
Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ka hadashay dhawaaqii ka soo yeedhay hoggaamiyaha loo cumaamaday gadh-wadeenka xisbiga Waddani Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasi oo ku dooday in xilligii uu wasiirka madaxtoyada ahaa uu ahaa mishiinka kaliya ee dhaqaajinayay dhismaha wadada Ceerigaabo, markii uu ka tagay shaqadana uu halkaasi ku istaagay mashruucu. Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Maxamuud warsame Jaamac oo shalay qaar kamid ah warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa ayaa deedifeeyey sheegashada Xirsi ee hab sami u socodka dhismaha wadada Ceerigaabo. Waxaana uu arrintaas si weyn ugu ammaanay wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed [Cali Marreexaan], oo uu tilmaamay in uu yahay shakhsiga dhexda u xidhay hirgelinta wadadaasi “ Wadadan Ceerigaabo Madaxweyne Siilaanyo ayaa sanadkii 2013-kii dhagax dhigay wadada Ceerigaabo, kuna dhiirraday hirgelinteeda. Immikana wadadu waxaa ay qarka u saaran tahay dhammaaday, waxaan ka hadhay wadadu inay isku xidhanto dhawr iyo soddon km oo Saraar ah inta kale way is wada haysataa, halka boqol iyo dhawr iyo labaatan KM uu laamigii daamurka madawi uu saaran yahay”. Sidaas ayuu yidhi wasiir ku xigeenku, waxaanu intaa ku daray “Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Md Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo madaxweynuhu u igmaday in wakaallada waddooyinku ay wasaaraddiisa hoos tagto runtii mudada kooban ee uu wasiirka ahaa iyo waqtigii hore ee ay wasiirkii hore ee madaxtooyada ay wakaalladu hoos tagaysay faraq weyn baa u dhexeeya, waxaana la odhan karaa cali Marreexaan wuu dhaqaajiyey wadada waanu muujiyey siyaasaddii madaxweynaha ee ahayd in wadadaasi dhisanto, waanan ku bogaadinayaa Cali Marreexaan”. Sidaas ayuu yidhi Wasiirku xigeenkani, “waxaanan leyahay Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaad ahayd Kaalliye Madaxweynaha u shaqeeya oo madaxweynuhu u igmaday in uu wakaallada waddooyinka wado, laakiin may ahayn fikir iyo maal aad adigu leedahay manay ahayn awood iyo aragti adiga kaa timid ee waxaad ogaataa in fikirkaasi uu madaxweyne Siilaanyo allifay. Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa in Wadadii Ay Xirsi Dabadii dhaqaaqday. Runtiina waxaa uu ahaa dabar laga duway wadada Ceerigaabo”. Ayuu yidhi Mr. Warsame