XIRSIYOOW SIIGA YARE !! W/Q: Mustafe Xuseen Xoog

0
33

Labadii cisho ee u danbeeyay somaliland waxay la kowsatay jahwareer siyaasadeed oo ay ka danbeeyeen rag qawlaysato ah oo dano siyaasadeed oo gaar ah leh kuna heshiiyay inay somaliland god madaw ku ridaan habeen madaw.  Ragan qawlaysatada ah oo uu horkacayay Hirsi xaaji xassan oo saaxada siyaasada markii u horaysay lagu arkay 2010 kii markii dawlada uu hogaaminayo madaxweyne hu kala wareegtay xukunkii dalka madaxweyne hii hore ee mudane rayaale.

mustafe xusen xoogXirsi oo shan sanno iyo sadex bilood oo uu xil ka hayay dawladan lagu bartay inuu ahaa wasiirka ugu dhaw ee madaxweyne ha dalka isla jeerkaana ruug-cadaayo badan oo saaxada siyaasada caan ka ahaa gabalka u damiyay ayaa maalintii isniintii hog madaw ku riday hankiisii iyo awoodiisii siyaasadeed.  ” علمته رماية فلما اشتد ساعده رماني”  waxaan baray shiishka markii dhudhumadiisu u adkaadeen se’ wuxuu igu soo ganay shiishka oo i toogtay !! Waxaa sidaas ka dhigan wasiir xirsi oo ku wacad furay madaxweyne hii soo ciyaarsiiyay mudada badan ee kusoo daray saaxada siyaasada. Wasiirku wuxuu caaq ku noqday aabihiisii siyaasada ee madaxweyne siilaanyo oo xirsi dartii isku seegeen ruug-cadaayo siyaasadeed oo dhaaxo garabkiisa taagnaa naftoodana u huray guushiisa iyo in mar uun ay saaraan kursiga dalka u sareeya. Inkastoo madaxweyne siilaanyo 24 kii saacadood ee ugu horeeyay kadib iscasilaada calooshood u shaqaystayaasha   u qaadan waa ku noqotay siduu uugu wacad-furay wiilkuu naftiisa u sadqeeyay  adana madaxweyne hu uma joojin ee wuxuu u kuurgalay inuu soo xusho xubno wasiiro ah oo buuxiya jagooyinkay buuxiyeen ragani.  ” ادا اكرمت الكريم ملكته وادا اكرمت اللئيم تمردا ” hadii aad sharafto sharaf badnaha waad heshaa ood kasbataa qalbigiisa hadii se aad sharafto oo xurmayso qofka xun wuu tamarudaa un oo caaq ku noqdaa qofkii karaameeyay sidaa xirsi baa maanta ka dhigan.

.
Marka uu kacayo saaruukh wuxuu u baahan yahay awood xooggan si uu uuga baxo waxa loo yaqaan gal-haweed ka xaddi mucayan ah ilaa uu dib uu repolarization u sameeyo oo dib dhulka uugu soo dhacaa iyo halkii loogu talo galay isagoo intii hore ka xoogan kana saamayn xun ! Waxaan leeyahay xirsiyoow adiguu maanta kugu dabaqmayaa qaanuunkaasi oo ninkii ku siiyay awoodda aad wasiirada intaa leeg ku duufsatay eed kaga baxday xayndaabkii awoodaha wasiirada ayaa sida qaanuunku ba ina barayo xirsoow dhul ku dhacaaguna mid xooggan unoqonayaa oo saamayntiisa tabani adiga ayay ku dambarsanaysaa ee midaas niyada ku hay. In raxan wasiiro ah oo tiradaa leegi iska casilaan marqudha xilal qaran wax ku cusub siyaasada dunida maaha. Dawladii rafiiqal xariiri ee lubnaan 11 wasiir ayaa hal maalin iska casilay 12 january 2011, dawladii madaxweyne denis sassou ee congo-kinshasa  8 wasiir ayaa iska casilay hal maalin. Dawladii salvaker ee koonfurta sudan raxan wasiiradii ugu tunka waynaa ee xukumada ah ayaa iscasilay hal maalin oo la safnaa madaxweyne ku xigeen kii hore Riek Machar. Xukumadihii iskaga dambeeyay dalka liibiya ka dib qadaafi sida raiisal wasaare Mustafa Abdil-jaleel iyo Abdalla althani waxaa iska casilay wasiiradii ugu badnaa ee taariikhda dalka liibiya. Markaa wasiiro is casilay wax ku cusub dunida maaha horena way uuga soo dhacday dalal badan iyo waliba raxan ka badan toban kan qawlaysato ba.

 Wiilka labaad ee madaxweyne ha ku wacad furay oo ah wasiir kii hore maaliyada ayaa ahaa wasiirkii diiday inuu qabto wasaaradii waxbarashada ee uu aqoonteeda lahaa ahna halka laga soo saaro jiilal ka duwan midka maanta iyo kii shalay, Jiilal kii barito dalkan la wareegi lahaa halkii lagu samaynayay dhalinyar wadaniyad jecel oo afkaar tolmoon. Taasoo hadii ay dhab ka tahay inuu u shaqeeyo qarankiisu uu qaban lahaa kana badali lahaa manhajkeenan ragaaday si uu usoo saaro dhalintaas maanka tolmoon een kor kusoo sheegay maadaama uu samaale   inbadan kusoo dhex jiray waxbarashada. Samaaloow halka aqoonteeda iyo khibradeeda aad lahayd waxay ahayd waxbarashada maadaama aad tahay gudida fulinta ee dallada MASNO balse aad ka dhaaratay adoo u calaacalaya wasaarad aanad aqoonteedii iyo waayo-aragnimadeedii toona aanad lahayn.  Samaale mudane adiga ayuu ahaa ninkii mudane boobe ku lahaa xilku waa meerto boobe ee ka daa’ madaxweyne ha xagxagashada ! Adiga ayuu ahaa samaaloow ninkii lahaa ka daa’ madaxweyne ha wax ka sheegida abti boobe ! Adiga ayuu ahaa ninkii lahaa boobe abti badalaadu cudur iyo ceeb toona maaha !!. Samaaloow adiga ayuu adana ahaa ninkii lahaa la igalama tashan maalintii lagu badalay. Adiga ayuu ahaa ninkii qisooyinka nabi yuusuf miciin biday ee isku soo daliishanayay. Adiga weeye ninka madaxweyne ha maanta wax ka sheegayaa samaaloow. Adiga ayaa ninkaad lahayd nabi maxamed sadex sifo ayuu la wadaagaa maanta dhaliilaya oo u dhaaranaya samaaloow!!.

BIIXI YOONIS oo qawlaysatada iscasishay ka mida isagu hadal badan uma baahna waa nin lasoo shaqeeyay haayadda ugu musuqa badan dunida ee qaramada midoobay, waa nin aan dalkan 25 kii sano ee uu jiray iyo ka hor intaan lala soo noqon madaxbanaanidiisa ee duurka loogu jiray u shaqaysanayay calooshiisa una kala gooshayay qaarada ha dunida halka qayrkii ay caloosha dhagaxaan uugu xidhnayd ee la wehelka ahaayeen diifta, diihaalka iyo daranyada joogtada ah. Wasiirada kale iyaga waxba odhan maayo oo wasiiro xirsi leeyahay inay ahaayeen bay is cadeeyeen haatanna ninkii cumaamaday wuu duufsaday marka iyaga ereyadaydu waa ka qiimo badan yihiin wax ka sheegooga. Wuxun baan si guud u leeyahay xubnahan adeerayaal taariikhdaa na baraysa in dal aanay laba nin ka wada talin. Hadii aad wadankan laxejeclo ka qabtaan inaad si hagar la’aan ah uugu shaqaysaan qaranka ayay ahayd, waxay ahayd in hankiina iyo damaciina dib u dhigataan kana shaqaysaan midawga iyo horumarka bulshada, in jawaabo muuqda aad ka bixisaan cabashooyinka joogtada ah ee kasoo yeedhaya bulshada aad xilka u hayseen. Xirsi Xasanoow dalku waa somaliland ! Dalku waa dalkii dhibta iyo rafaadka loo soo maray in mar un qarankani dhidibada isku taago duurka na loosoo galay weeye. Samaaloow dalku waa dalkii dhaaxo loo qaday loona seexday cidlada sanadada badan; loona wehel noqday urugada iyo xanuunka dagaalada halka adigu aad yemen carabiga kusoo baranaysay.

Masuuliyiinta qaranka intooda kale ee xilalka haya iyagana waxaan leeyahay qofkii xirsi xil u hayoow xirsi waa tagay soona noqon maayo, qofkii qarankan xil u hayoow ee qarankani curdinka ah wanaagiisa iyo horumarkiisa iyo adeegida dadka baylahsan ka shaqaynayoow na qarankii waa joogaa, waa shaqaynayaa waana jiri doonaa.

Guntii iyo gabogabadii waxaan kusoo meershay meeris yar oo kamida gabaygan abwaan #laabsaalax

Inkastoo warxumo tahay
Dadka kale ku wiirsado
Arimahan wajiga adag
Xilku waa wareegtee
Dadka wada jirkoodiyo
Qarankaa ka wayn ruux
Danahiisa wadan jiray
Nin WASIIR ahaan jiray
Hadii uu waddada xulo
Cirka waaxi may dumi

Allaa Mahad Leh

Qalinkii: Aqoonyahan Mustafe Xuseen Xoog

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here