Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa deedafeeyey warar maalmihii ugu dambeeyey soo baxayey oo sheegayey inuu khilaaf soo kala dhexgalay guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weliba murrashixiisa madaxweyne-ku-xigeen Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici).
Xoghayaha guud ee KULMIYE Md.Xasan Siciid Yuusuf oo arrintan ka hadlay, ayaa meesha ka saaray inuu jiro wax khilaaf ahi, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wada-shaqayn toolmooni ka dhaxayso guddoomiye Muuse Biixi iyo madaxweyne-ku-xigeen Saylici, “arrinkaas waxba kama jiraan, waana been, guddoomiyuhu waa guddoomiyihii xisbiga iyo murrashixii, madaxweyne-ku-xigeenkuna waa murrashax-ku-xigeenkii xisbiga, markii uu dhaawacmayna toos baa guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbigu gurigiisa ugu shaqaynayeen, markii la dhoofinayeyna saddexdii habeennimo ninka qaaday ee ilaa diyaaraddii la saaray aan kasoo noqonini waa guddoomiyaha xisbiga” ayuu yidhi xoghaye Xasan Siciid Yuusuf.
Hadalka xoghayaha ayaa ka dambeeyey warar warbaahinteed qaarkeed lagu baahiyey oo sheegayey inaanu guddoomiye Muuse Biixi booqanin dhaawacii dhawaan soo gaadhay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici) dhawaan ku gaadhay aqalkiisa dhexdiisa, kaas oo aakhirkii keenay in dhakhtar dibadeed loo diro.