Xisbiga KULMIYE Oo Go’aamo Uu Dhibta Kula Qaybsanayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen Soo Saaray

0
36

kulmiye11

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo saaray go’aammo uu murugada kula qaybsanayo dadka abaaruhu taabteen ee ku dhaqan deegaanada bariga dalka, waxana uu guud ahaanba joojiyey xafladaha huteelada lagu qabto ee uu xisbigaasi ugu fooladayn jirey taageerayaashiisa.

War qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali(gaafaadhi), ayaa  lagu sheegay in la joojiyey gebi ahaanba isu soo baxyadii taageerayaasha xisbigaasi isugu iman jireen, iyada oo ujeeddaduna tahay si hoggaanka xisbigu wakhti ugu helo gurmadka loogu jiro dadka ay abaartu taabatay.

War-saxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal, ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:

 War-saxaafadeed

Ujeeddo: Go’aanka Xisbiga KULMIYE ee Mudda Abaartu jirto

Guud ahaan waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan salaamayaa taageerayaasha iyo bahweynta xisbiga KULMIYE, waxaan u ducaynayaa dhamaan xoola dhaqatada iyo deegaamada abaartu hayso ee goballada bariga Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxaannan Ilaahay ka barayayaa inuu abaarta innaga ka jebiyo oo raxmaad caam ah ina siiyo.

Intaa kadib, waxaan shacabka iyo taageerayaasha KULMIYE la socodsiinayaa:

  1. b) Si loola wadaago xannuunka iyo dhibka dadka abaartu hayso;
  2. t) Si madaxda iyo hawladeennada xisbiga KULMIYE u helaan waqti ay kaga qaybgalaan gurmadka degdega ah ee abaarta.

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE go’aansaday joojinta xafladihii waawaynaa ee lagu muujinayey taageerada xisbiga iyo munaasabadaha kale ee xisbigu ku qabsan lahaa huteellada iyo fagaarayaasha magaalooyinka muddada lagu jiro gurmadka abaarta. Keliya kulamada, shirarka iyo munaasibadaha xisbigu waxay ku ekaan doonaan xayn-daabka iyo qolalka shirarka ee xafiisyada xisbiga.

Waxa dhammaan xafiisyada gobollada iyo degmooyinka iyo laamaha dibadda lagu wargelinayaa inay si buuxda u fuliyaan, una dhaqangaliyaan go’aankan.

Waxaan mar labaad Ilaahay ka baryayaa inuu abaarta innaga jebiyo oo deeqdiisa ballaadhan uu innaga waraabiyo.

ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here