Hargeysa:(Hubaal)-Xisbul-xaakimka talada Somaliland haye ee KULMIYE, ayaa sheegay inay si habsami leh u socdaan wada-hadalladii dhawaan u furmay garabka uu hoggaamiye Jamaal Cali Xuseen iyo xisbiga KULMIYE, waxana uu meesha ka saaray inay wada-hadalladaasi hakad galeen.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahiin Axmed oo arrintan ka hadlay, ayaa xusay inay wada-hadalladaas labada dhinac u bilaabmay meel wanaagsan marayaan, isla markaana aanay jirin wax saluug ah oo dhinacyada midkood tirsaday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa muddo laba maalmood ah wada hadlayey ergo ka socotay xisbiga KULMIYE mid kale oo ka socotay garabka xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen, si fiican ayaanu u wada hadallay oo wax dhib ah iyo wax isa seeg ah midkoodna aanu jirin, wada-hadalkaasna annagu waxanu ahayn xubno ka socda xisbiga KULMIYE iyagana waxanu kula hadlaynay iyaga oo ah garabka Jamaal Cali Xuseen oo aanu sidaas u aqoon sanahay, wada-hadalladuna si fiican bay noogu socdeen oo meel fiican baanu dhignay.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu guddoomiyuhu sheegay in garabka Jamaal xilligan ku mashquulsan yihiin hawlo iyga gaar u ah, isaga oo intaas ku daray inay rajo wanaagsan ka qabaan natiijada wada-hadallaas kasoo bixi doonto, isla markaana haddiiba is af-garan waa yimaaddo ay xallin doonaan,“hawlo kale iyo wada-hadallo kale ayey galeen, haddana wada-hadalladayadii way noo soconayaan, waxana aanu rajaynaynaa in si fiican oo midho-dhal ah oo is af-garad ah oo labadayada qoloba aanu ku kalsoonaano inay wax noogu dhammaadaan, wax dhib ahina ma jiraan, haddii wax dhib ahi soo baxaanna wada-hadal baanu ku dhamaysanaynaa oo si fiican baanu uga wada-hadlaynaa”ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Dhawaan ayey si rasmi ah wada-hadallo toos ahi ugu bilaabmeen garabka uu hoggaamiye Jamaal Cali Xuseen ee hore xisbiga UCID uga tirsanaan jirey iyo xisbul-xaakimka KULMIYE, balse weli wax natiijo ahi kama soo bixin kulamo labada dhinac dhexmaray, waxase la rajaynayaa inay dhawaan dhinacyadu soo bandhigi doonaan qodobada ay isku af-garteen.