Xisbiga KULMIYE Oo Taageero Looga Muujiyey Waqooyiga Hargeysa

0
138

Dhalinyaro, Aqoonyahan iyo Waxgarad kulan ku shaaciyey taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE

Hargeysa(Hubaal)-Dhallinyarada, aqoonyahanka, waxgaradka, haweenka iyo cuqaasha mid ka mid ah beelaha dega Waqooyiga Hargeysa (Cabdalle Sacad) ee Gobolka Maroodijeex, ayaa kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen ku muujiyey sida ay taageerada aan kala hadhka lahayn ugu hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Munaasibad hadhimo ah oo ay maanta aqoonyahankani ku qabsadeen Huteel Fish and Steak ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen aqoonyahanka, waxgaradka, dhallinyarada, siyaasiyiinta iyo haldoorka beeshani, ayaa lagu shaaciyey inay beel ahaan si si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintooda, isla markaana ay cod iyo cududba la garabgeli doonaan.

Xubno ka mid ah aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta beesha oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inay beel ahaan isla garteen inay codkooda iyo cududoodaba ku taageeraan KULMIYE, isla markaana ay ku qanacsan yihiin hoggaaminta xukuumadda xisbiga KULMIYE hormoodka ka yahay.

Siyaasi Cabdiqaadir Muuse Taydh oo kamid ah siyaasiyiinta da’da yar beeshan oo madasha ka hadlay, ayaa aqoonyahanka, waxgaradka iyo haldoorka beesha ku ammaanay go’aanka geesinimada leh ee KULMIYE ku taageereen, waxana uu kula dardaarmay inay xoojiyaan taageerada codka iyo cuudkaba leh ee ay KULMIYE ugu badheedheen.

Taageerada beesha deegaanka Xeedho u muujiyeen xisbiga KULMIYE, ayaa qayb ka ah isu soo baxyo ballaadhan oo badiba beelaha Somaliland ku nooli ku garab gelayaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here