“Xisbiga KULMIYE Wuu Leeyahay Gaadiid-Celis Laakiin Laba Reer Xeer Uma Laha, Muuse Biixi-Na Gaadiid-Celiskaasuu Kamid Yahay….”

0
73

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Caddeeyey Inuu Xisbiga KULMIYE Fuliyo Ballamaha Uu Sameeyo

maxamuud-xaashi

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in xisbiga talada haya ee KULMIYE yahay xisbi ay bulshada reer Somaliland oo dhammi wada leedahay, isla-markaana aan cid gaar ah iyo beel gaar ahaaneed midna u xidhnayn.

Wasiirka oo ka hadlayey munaasibad uu xisbigu kusoo dhaweynayey taageerayaal kasoo jeeda gobolka Awda, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay inuu xisbiga KULMIYE kasoo baxo dhammaanba ballamaha uu fuliyo, isla-markaana murrashaxa haatan ee xisbigu uu ku yimi ballamo iyo abaal hore la iskugu galay, “Xisbiga KULMIYE wuu leeyahay gaadiid-celis, laakiin laba reer xeer uma laha, waayo laba reer dalna ma dhisaan, madaxweynena masoo saari karaan, xisbi qaranna waxa uu u baahan yahay dad faro badan iyo taageerayaal, sidaa daraadeed waa in gaadiid-celisku uu saameeyaa dhammaantood, Muuse Biixi been idiin sheegi maynee gaadiid-celiskuu kamid yahay, taas macnaheeduna ma aha laba reer baa gaadiid-celiska iska leh, laakiin kaalinta ayuu lahaa, maantana wuu yimi” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu tilmaamay inuu xisbul-xaakimka KULMIYE aqoonsan yahay dhammaanba ballamaha uu bulshadiisa iyo taageerayaashiisaba hore ugu qaaday, isla-markaana aan maanka ku hayo sidii loo fulin lahaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here