Hoggaamiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Baaq Nabadeed u Direy Beellaha Ku Dirriraya Dharkayn-Geeye
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ahna Musharraxa doorashada Madaxtooyada ee soosocota Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa War qoraal ah oo xalay ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu kaga hadlay shaqaaqada labadii maalmood ee lasoo dhaafay dhiiga daadisay ee ay ku hirdameen laba beellood oo wada dega deegaanka Dharkayn-geeye ee gobolka SOOL. War-saxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Xarunta wargeyska HUBAAL waxa uu guddoomiye Muuse Biixi Baaq Nabadeed ugu diray beellahaasi walaallaha ah, isaga oo dadka ku geeriyoodayna illaahay uga beryay in uu naxariistiisa siiyo. Warsaxaafadeedkan oo dhamaystirani waxaa uu u dhignaa sidan: “Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa dadka walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dharkayn-geeye ee Gobolka Sool in ay joojiyaan colaadda. Xisbiga KULMIYE wuu ka xunyahay dadka muwaadiniinta ah ee dhexdeena ku dhintay, waanuna ka tacsiyadaynayaa qoysaska iyo qaranka ay ka baxeen dadka ku naf-waayey shaqaaqadaas oo aynu Alle uga baryeyno inuu u naxariisto, kuwa dhaawacnay uu siiyo caafimaad. Xisbiga KULMIYE wuxuu dareemayaa xannuunka ay leedahay colaadda sokeeye, sababtoo ah qof kasta oo ku geeriyooda waa ruux ka baxay qaranka Somaliland, waanna kugu dhimay oo kaa dhimay.
Xisbiga KULMIYE wuxuu xasuusinayaa beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya in sida diinteena suubbani ina farayso, dadnimada iyo ehelnimaduna tahay in la joojiyo fidmada, wixii dhibaato ahna si miyir-qab iyo nabad ah lagu xalliyo.
Qaran ahaan ummadda reer Somaliland, dawladda, xukuumad ahaan iyo shacbiba, waxa innagu waajib ah in aynu ka gurmano colaaddan oo la kala dhexgalo dhinacyada dagaallamaya si aan dhiig dambe u daadan.
Somaliland waxaynu ku soo caano-maalnay in aynu dhibaatooyinkeena ku furdaamino wadahadal, wadatashi iyo isu-tanaasul, maantana waxa innagu waajib ah inaynu dhiigga daadanaya joojino oo dhibaatadu aanay halkaas dhaafin.
Sidaas darteed, waxa waajib innagu wada ah in aan rasaas nool la isku adeegsan marka khilaaf yar yimaad, balse, wax kasta ha laga horaysiiyo wanaaga, walaaltinimada iyo in si miyir qab ah loo xasiliyo, iyadoo mar kasta mudnaanta la siinayo ilaalinta nafta qofka bani’aadamka ah.
ALLAA MAHAD LEH
Md. Muuse Biixi Cabdi