“Xisbiga KULMIYE Xilligii Uu Mucaaridka Ahaa Wuxuu Radio Hargeysa Iyo SLNTV U Arkayay In Loo Samaystay In Iyaga Lagu Aflegaadeeyo, Maantase…….””

0
58

“Dacwad Rasmi Ah Ayaanu Hore Ugu Gudbinay Komishanka Immika Maadaama Oo La Galay Marxalad Xasaasi Ah Waxaanu U Gudbin Doonaa Iyadoo Aanu Ku Ladhnay Dhacdooyin Aanu Duubnay”

 

“Maanta Waxay Ahayd In [Xukuumadda Iyo Xisbigeedu] Ay Ka Baydhaan Wadadii Ay Xukuumadii Hore Ku Caayayeen, Balse Waxa Habeen Iyo Maalinba Telefishanka Qaranka Ka Socda Telefishanka Qaranka Waa Bilaa Tayo”

 

Hargeysa (Hubaal):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shaaca ka qaaday inuu Maxkamad la tiigsan doono Telefeshinka iyo Idaacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (TV-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeisa), kuwaas oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Maamusho.

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Warbaahinta qaar shalay kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan Barnaamijyo toddobaadlayaal ah oo xogo muhiim ah xambaarsan, isla markaana Maxkamad u gudbin doonaan TV-ga Qaranka iyo Idaacadda Raadyoow Hargeysa oo uu ku tilmaamay kuwo Hanti badan oo Qaran ku baxdo Miisaaniyad ahaan, isla markaana aan wax tayo leh u baahin Bulshada, dhex-dhexaadna u ahayn Xisbiyada iyo Golayaasha Qaranka toona ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye oo keliyi adeegsadaan.

 

Waxa uu Afhayeenka Xisbiga Waddani Md. Buubaa ku eedeeyey Idaacadda iyo TV-ga Xukuumaddu Maamushaa inay gabeen doorkii loo abuuray, isla markaana ku caanbaxeen kala qoqobka, kala dilka iyo kala fogeynta Bulshada Reer Somaliland iyo weliba qabyaaladda ku dhaqankeeda, aflagaaddada Madaxda Qaranka, gaar ahaan Xisbiyada Mucaaradka ah. “Sida aynu la wada socono Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa waxa ay ka miisaaniyad badan yihiin in ka badan todoba Wasaaradood oo ah Wasaaradihii Wax soo saarka lahaa ee dalka, Sida Wasaarada Kalluumaysiga, Beeraha, Biyaha, Horumarinta reer Miyiga, Xanaanada Xoolaha, Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Dalxiiska, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Intaas oo wakaaladood.

Iyadoo intaasi jirto oo miisaaniyada Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa ay yihiin mid xadka ka baxsan oo ka badan Wasaaradihii wax-soo-saarka lahaa ee dalkan oo siyaasadaasi ay tahay mid guracan, hadana waxa intaa dheer dakhliyada soo gala ee ka soo gala xayeysiisyada gaarka loo leeyahay (privet advertising) sida ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa, waxa kale oo intaa dheer Taawarada BBC-da iyo VOA-da laga kireeyo ee lacagta sanadlaha ah laga qaado.

 

Iyadoo waxaas oo dakhi ahi ay soo gasho Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa waxa ay gaadhaan shaqaalaheedu todoba boqol oo qof in ka badan oo intooda badani aanay usoo shaqo tagin si toos ah Wasaarada,Telefishanka ama Radio-ga midnaba, fadhiga iyo meelaha ay joogaana ay ku qaataan lacagaha aan waafaqsanayn sharciga.

 

Waxa looga baahnaa Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa kuwo ay ka socdaan Barnaamijyo tayo leh oo bulshada Somaliland wacyigooda iyo garaadkooda kor u qaada, waxa se ay noqotay inay ku caanbaxdo TV-ga Iyo Radio Hargeysa, kala qoqobka bulshada reer Somaliland kala qaybintooda, qabyaalada iyo fariimaha xun iyo cayda iyo aflagaadada xisbiyada Mucaaridka ah iyo madaxdooda, waxa ka socota habeen iyo maalinba ay noqotay iyadoo cashuurtii qaranka lagu bixinayo, hantidii qaranka iyo cashuurtii masaakiinta laga gurayey iyadoo lagu maalgalinayo, oo sidaa aanu soo sheegnay dakhligooduna yahay, xisaabteedana cid la ogi aanay jirin Wasiirka meesha haysta kolba, hadana waxay noqotay halkii laga eegayey wax tayo leh in laga caayo oo laga aflagaadeeyo Asxaabta Mucaaridka ah sida imikaba ka socota Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa-ba  iyo Madaxdoodaba.

 

Waxaan is-dultaagayaa oo aan dib idiin xasuusinayaa xiligii xisbigan talada haya ee KULMIYE uu mucaaridka ahaa erayadii uu ka jeedin jiray Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxdii kale ee KULMIYE ee Muuse Biixi ka midka ahaa ay u arkayeen kuwo loo samaystay isaga iyo xisbigiisa Kulmiye in lagu aflagaadeeyo.

 

Maanta waxay ahayd in horumar laga gaadho arrintaa, iyaga laftigooduna wadadii ay xukuumadii hore ku caayayeen ay ka baydhaan, balse waxa ay noqdeen kuwo ka sii daray isla markaana sii muquurtay mugdi kale oo hor leh, waxa ka socda Telefishanka Qaranka oo habeen iyo maalinba ka baxa waxa ay noqdeen wax bilaa tayo ah.

 

Maanta warbixintaydan dacwad rasmi ah oo ka dhan ah Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa ayaanu horena ugu gudbinay Komishanka Doorashooyinka, mar labaadna aanu u gudbin doonaa, maadaama la galay marxalad xasaasi ah oo xili doorasho uu dalku galayo, waxaanu u gudbin doonaa iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaalba leh, oo dhacdooyin toos ah oo aanu duubnay aanu ku ladhnay aanu u gudbin doonaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka hadii alle yidhaa.” Ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani, Md Ibraahim Mahdi Buubaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here