Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Si Adag U Cambaareeyay Xadhiga Ay Xukuumadu Kula Kacday Xog-hayihii Xanaanadda Xoolaha Ee Xisbigaas

0
22

Hargeysa(Hubaal)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si adag u cambaareeyay Xadhiga Xukuumadu kula kacdey Xogahayaha Xanaanada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Wariyihii Horn Caple Tv ee Gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim, isagoo afhayeenku sheegay, in Xadhigyada noocan ah uu ka dambeeyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.

buubaaAfhayeenka Xisbiga Wadani Ibraahim Mahdi Buubaa oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews kula soo xidhiidhay Khadka isgaadhsiinta,ayaa si adag u cambaareeyay Xadhiga Xukuumadu kula kacdey Wariyihii Horn Caple Tv uga soo warama Magaalada Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahin Raage,oo lagu xidhay Magaalada Tog-Wajaale iyo Xoghayaha Xanaanada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Goodaad oo lagu xidhay Xarunta C.I.D ee Magaalada

Hargeysa isagoo xadhigaa ku tilmaamay mid xaaraan oo ay Xukuumadu ku dhaawaceyso Dimuqraadiyada iyo Xoriyatul-qowlka waxaanu ku sheegay in lagu cabudhinayo Shacbiga iyo Xisbiyada Mucaaridka ah.

“Waanu cambaareyneynaa waxaananu kasoo horjeednaa xadhiga ay Xukuumadu kula kacdey Wariyihii Horn Caple Tv ee Gabiley Mukhtaar Nuux iyo Xoghayihii Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Goodaad oo lagu taxaabay Xarunta C.I.D ee Magaalada Hargeysa waxaanu u arganaa in xadhigaasi yahey xaaraan iyo mid lagu cabudhinayo Xoriyatul Qowlka Shacbiga Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Waliba Saxaafada,horena waxeynu u ogayn in Xukuumadu albaabada u laabtey Wargeysyadii Haatuf iyo Hubaal iyadoo Haatuf kamid ahaa Wargeysyada ugu faca Weyn Somaliland,hadana waxa cad in ay dad gaar ah oo aan xirfad u laheyn Saxaafada loo sameeyay Wargeysyo waa mid Taariikhda u gali doonta Madaxweyne Siilaanyo in uu Haatuf oo shaley u hiilineysay xidhay oo ciidan dajiyay, Wariyayaashiina uu taxaabayo markey xaqiiqada ka hadlaan,oo waxa jira iyo wacyiga soo gudbiyaan, oo hadana taxaabayo Masuuliyiintii Xisbiyada Mucaaridka ah waxaanu leenahey,waa qeyra sharci waa dastuur jabin,waa cabudhin lagana aqbali maayo in la cabudhiyo Saxaafada,Shacbiga iyo Asxaabta Mucaaridka ah intaba waxa lagaga jawaabi doonaa mudaharaadyo ka dhan ah waxaas oo dhana waxa ka dambeeya oo eeda ugu weyn lihi Waa Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade”Ayuu yidhi Buubaa Afhayeenka Xisbiga Wadani.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in uu Xukuumada uga digay in ay ka waantowdo falalka ka dhanka ah shuruucda iyo Dastuurka dalka uyaala,isagoo dhinaca kalena ugu baaqey in ay xoriyadooda usoo celiso Masuulkaa katirsan Xisbiga Wadani iyo Wariyaha Horn Caple Tv ee Gobolka Gabiley hadii kalena ay jawaabtooda ka heli doonto Mudaharaadyo ay Shacbigu ku muujiyaan dareenkooda iyo Xoriyatul-Qowlka ay xaqa dastuuriga ah u leeyihiin sida uu u dhigay hadalkiisa.

Ma aha markii u horeysay ee ay Xukuumadu taxaabto Masuuliyiin katirsan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Wariyayaasha ka howlgala Warbaahinta maxaliga ah, waxaanay wararku sheegayaan in Gabiley laga baadi goobayo Wariyaal kale oo soo tabiyay Calnka Kulmiye oo maanta lagu gubay Gabiley.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here