Xisbiga UCID Oo Kooxaha Kubadda Cagta Ee Degmooyinka 26-Ka June Iyo Gacan Libaax Ugu Deeqay 22 Dirays +Daawo Sawiradda

0
23

Hargeysa, (Hubaal) – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa 22 dirays u qaybiyey kooxaha kubada cagta ee degmooyinka 26-ka June iyo Gacan Libaax oo ay ka dhisan yihiin kooxo badan oo ka mid ah kuwa ugu firfircoon dhalinyarada caasimadda ee kubadda ciyaarta.

 CYMERA_20150215_235533

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gacan Libaax  Maxamed Xassan Aadan iyo 26-ka Juun Mustafe Cali Muxumed   iyo guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga UCID Ibraahim Jaamac Saleebaan ayaa iyagu gudoonsiiyey deeqdaas Sports-ka ah oo ay usoo wajiisheen Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa C/rashiid Xasan Mataan.

Munaasibad balaadhan oo loogu qabtay xarumaha xisbiga UCID ee labadaasi degmo ayaa lagula kala wareegay 22-ka dirays oo lagu wareejiyey maamulada kooxaha kubadda cagta ee xaafadaasi oo iyagu aad usoo dhaweeyey deeqdaas Sports-ka ah oo ay xuseen inay dhiirigalinayso dhalinyarada ciyaaraha xiisaysa oo ay doorkeedii xukuumadda taladda haysaa gabtay.

Waxaana madaxda degmooyinka 26-ka June iyo Gacan Libaax ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID goobtaasi ka sheegeen inay xisbigooda ka go’an tahay inuu wax la qabtay dhalinyarada, iyagoo tilmaamay inay siyaasada xisbiga UCID mihiimada 1-aad siinayso wax u qabashada dhalinyarada reer Somaliland ee baddaha ku dhamaaday, iyagoo ku dooday inay shaqooyin u abuuri doonaan hadii ay talada dalka ku guulaystaan.

 CYMERA_20150215_235421

Dhinaca kale masuuliyiintii u hadlay dhalinnyarada ciyaartoyga ah ee labadda degmo ayaa iyagu xisbiga UCID uga mahad naqay deeqdaasi Sportska ah oo ay sheegeen inay wax badan ka tari doonto baahiyaha xaga Sports-ka ee haysta kooxaha kubada cagta ee ka jira labadaas xaafadood, kuwaas oo balan-qaaday innay la shaqayn doonaan xisbiga UCID oo ay tibaaxeen inuu ka yahay ka kaliya ee dhalinyaro hogaaminayso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here