Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyeyaasha labada xisbi qaran ee Kulmiye iyo UCID ayaa maan si wadajir ah u sexeexay muddo kordhin ku asteysan November 15 2016 oo ay xukuumadda haatan talada haysaa ku sii joogayso,,waxaana sexeexan maanta dhankiisa ka maqnaa guddoomiyaha Waddani oo sheegay inay ka xisbi ahaan qaadaceen go’aankaas labada guddoomiye ee Kulmiye iyo UCID saxeexeen,go’aankan ayaa loo gudbin doonaa golaha guurtida oo ansixin doona.
Hadaba war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray oo isla guddoomiye ku-xigeenku soo dhigay barta ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga, ayaa waxa uu guddoomiyuhu si waadax ah uga waramay heshiis saddexda xisbi isla qaateen oo guddoomiyaha Waddani kaga baxay in qalinka lagu duugo,waxaana uu u dhignaa sidan:
Ujeedo:WAR-MURTIYEED XISBIGA UCID
Xisbiga UCID wuxu halkan ku cadaynayaa in aanu waxba ka bedelin mawqifkiisii ku wajahnaa qabashada Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo wakiillada ee 1da
Bisha June 20 2016ka sidii hore ay isula Ogolaadeen Komishanka Doorashada iyo sedexda xisbi Qaran Madaxwaynaha iyo qaadhaan bixiyayaashuna ay kula waafaqeen oo aanu u aragno inuu yahay wakhtiga ugu horeeya ee suurtogalka ah.
Wada tashigii ay gudida guurtida ka socotay ay sida gaar gaarka ah ula yeelatay xisbiyada Qaranka, mawqifka xisbiga UCID waxa si cad oo aan madmadow lahayn u qeexay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, isaga oo weliba si faahfaahsan uga xog waramay duruufaha adag ee ku xeeran iyo aragtida dhinaca bulashada Caalamka.
Hadaba doodihii iyo shir doceedyadii ay yeesheen xisbiyada qaranku maaha in si qaldan loo tarjunto oo loo fasiro in Xisbiga UCID uu ka noqday heshiiska loo wada dhan yahay ee taariikhda qabashada labada doorasho ee 1da Bisha June 2016. Ujeedada ugu muhiimsanyd ee keentay kulamadan dambe waxay ahayd markii ay xisbiyadda Qaranku is tusuyeen in xubno guurtida ahi ay wadaan muddo kordhin ka badan laba sanadood. Si taa loo hor joogsado waxay ugu dambaystii sedexda xisbi ku heshiiyeen in si muddo kordhinta Guurtidii wadaa aanay u noqon mid dabo furan oo noqon karta intay doonto loo asteeyo xad aanay dhaafi karin oo ah muddo shan bilood iyo badh oo sedexda xisbiba isla Ogolaadeen
Hase yeeshee waxa nasiib darro ah in Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI aanu saxeexin wixii LAGU heshiiyay ee qof ahaan iyo xisbi ahaanba uu qaybta ka ahaa, iyada oo ilaa hadda aanaan xisbi ahaan gaaranayn sababta Gudoomiye C/raxmaan Ciro uu uga Baxay Heshiiskaa, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in wixii ka yimaada baritoole Golaha guurtidana uu gudoomiyaha WADDANI masuul ka yahay,Maadaama uu ka baxay Heshiiskii iyo Go,aankii dabarka u ahaan lahaa Guurtidda hamuunta u qabta Mudo Kordhinta Sharci-darada ah
Gudoomiye Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga UCID
Md: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey
Halkan Ka Daallaco Saxeexa Maanta ay si wadajir ah qalinka ugu duugeen labada guddoomiye ee Kulmiye iyo UCID: