Xisbiga UCID Oo Maaweello Ku Tilmaamay Baaqii U Diyaar-garowga Doorashada Ee Afhayeenka Xukuumaddu U Soo Jeediyey Mucaaridka

0
22

“Cidda La Caamaynayaa Maaha WADDANI Ee Waa UCID”

“Haddii Uu Guddoomiye Feysal Ka Yeelo Kolleyba Anigu Waxaan Ka Joogaa ‘Inantaa Meherkeeda Mar Wixii Iga Gaadhay Dib La Ii Marin Maayo’cali

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa ka jawaabay hadal maalintii shalay kasoo yeedhay wasiirka Warfaafinta  Cabdillaahi Maxamed Daahir  Cukuse oo nuxurkiisu ahaa inay axsaabta mucaaridka ahi xukuumadda ku taageerto sidii dalka doorasho looga qaban lahaa.  Mujaahid Cali Gurey oo qoraal uu arrimahaas kaga jawaabayo soo dhigay Bartiisa Face-book-ga, ayaa ku adkaysanaya inaanay xukuumaddu wali diyaar u ahayn inay doorasho dalka ka qabato, isla-markaana wali beentii hore ay dadka ku maaweelinayso. Qoraalka ayaa sidatan u dhignaa:

“Waayahaye maxaa laga yeelayaa laba sanadood oy cid walba been u soo sheegayeen iyaga oo mar kasta lahaa Waanu Ogolahay Doorashada Way Qabsoomaysaa Wakhtigeedii Bay Ku qabsoomaysaa. Beesha Caalamka maxay ku qancinayaan  “Doorashadu Way Qabsoomaysaa Wakhtigeeda Ayay Ku Qabsoomaysaa Waanu Ogolahay.” Yaa beenaalayaal aaminaya.” Sidaa ayuu yidhi Cali Gurey waxaanu intaa ku daray isaga oo ku hal qabsanaya hadalka kasoo yeedhay afhayeenka Xukuumadda ahna wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Cabdillaahi Maxamed Daahir “ Ujeeddada marka aad sadarrada dhexdooda akhrido wuxuu [wasiirku] u jeeddaa Waar Annagu Cid Walba Been Baanu U Sheegnaye Kaalaya Idinku Markan Beenta U Sheega Qaadhaan Bixiyayaasha. Cidda Ay Caamaynayaana Maaha WADDANI Ee Waa UCID Haddii Uu Guddoomiye Faysal Ka YeelayoiIyo Haddii Kaleba. Markan UCID Haye Fudud isaga ayaa xisbi ahaan ku kala jabi kara, waayo xaalkan anigu kollay waxan ka joogaa ‘Inantaa Meherkeeda Mar Wixii Iga Gaadhay Dib La Ii Soo Marin Maayo’.  Waxaan leeyahay Cukusow idinku ka dabaasha oo Saleebaan Gaal ha ka tegina annagu doorasho doon uu baanu nahay xilkayagana waanu garanaynaa wax kalena ku darimayno oo  dembiga Saleebaan Gaal anagu damamasi mayno’e intii ku raacsanayd ha damamasto. Ku soo qanciya idinku cid kasta in doorashadu dhacayso 28 March 2017ka anaguna waa tii aanu ogolaanay go’aankii waanu u hagaagsanahayna’e waa maxay waxa kale ee la naga doonayaa? BAL ADBA!. Xisbi walba waxa ugu jira Guddi Hawleedka Komishanka ee loo yaqaan ” Task Force” ka laba xubnood kuwaa ayaa noo ah focal point marka ay tahay wada shaqaynta dhinaca hawlaha doorashada iyaguna waa xaadir waxana laga hagaa xarumaha xisbiyaddooda hadii aanay jirin wax khilaaf ah oo u baahan hoggaamada sare ee xisbiyada iyaga ayaa ku filan Cabdillahi Cukuse bal ha sheego waxa lagala shaqaynayo. Waar waa filimkii hore iyo Guurtida nala dhiraan dhiriya uun bay u egtahay. Doorasho diidkii waxa ay ku hawlan yihiin doorasho inay qabsoonto maaha ee waa in aanay qabsoomin wuxu u jeedaa waa taa nagala dhaqeeya. Jawaabtu waa diidnay Saleebaan Gaal u sheega isaga ayaan xumo u Joog ah oon waxba isku falayn eh”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here