Xisbiga UCID Oo Mar labaad War-murtiyeed Ka Soo Saaray Xadhiga Iyo Awood Sheegashada Sharci_Jabinta Ah ee Lagu Haysto Masuuliyiinta Ururka Dhalinyarada Jiidali

0
26

Hargeysa (Hubaal) Xisbiga Cadaalada iyo daryelka ee UCID ayaa mar kale cambaareeyay xadhiga xubnaha ururka Jiidali oo Toddobaad in ka badan saldhiga Iftin ugu jira xukuumada madaxweyne Siilaanyo,waxaana uu xisbiga Uipcid ku tilmaamay xadhigaas mid sharci daro ah oo ay xukuumadu kula kacday muwaadiniintaa ururka Jiidali.

Sidaana waxay ku sheegeen war-murtiyeed uu soo saaray xisbigu oo uu ku saxeexan yahay xog-hayaha arrimaha bulshada ee xisbiga Ucid oo u dhignaa sidan:

Hadaba Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID isagoo ka xun tacadiyadda iyo hagar-daamooyinka ay xukuumadda xisbiga Kulmiye mar walba kula kacdo muwaadiniinta dalka, isla markaana fulinaya waajibaadka ka saaran ilaalinta wada-jirka iyo walaalnimada shacbiga reer Somaliland, waxaanu si adag u Cambaaraynaynaa xadhiga ay xukuumadu kula kacday Dhalinyaradda ururka JIIDALI.

Dhalinyaradaasi oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada JIIDALI Md Cabdiraxman Xasan Aadan oo isagu muddo dhawr todobaad ah Xabsigga ugu jira Sifo  sharci-daro ah.

Waxaa sidoo kale habeen dhawayd ay RRU-du sifo sharciga baalmarsan uga kaxaysay Hotelka Crown ee magaaladda Hargeysa, Xoghayaha ururka JIIDALI Md Faysal Cumar Madar  iyo Cabdi Bedel Cumar, Maxamed Cabdikariim oo iyaguna ka  mid ahaa hogaanka ururka JIIDALI

Maalinba maalinta ka danbaysa waxa sii badanaya tacadiyadda, cadaadiska iyo xad-gudubyada ka dhanka ah xoriyatul-qawlka ee ay ku kacayso xukuumadda taladda haysa. Xukuumaddan oo cid kasta oo ay ku tuhunto in ay aanay raacsanayn ama Taageersaneyn Xisbigga Kulmiye u taxaabaysa jeelka.

Anagu Xisbi ahaan waxaanu aaminsan nahay in dawladdu ay xidhi karto dadka haddii loo maro sifo sharciga waafaqsan, laakiin xadhigyaddan ku waajahan dhalinyaraddu waa qaar siyaasadaysan oo lagu cabudhinaayo fikrika dhalinyaradda. Iyagoo ka dheregsan shacabka Somaliland, waxa uu xisbigga UCID ugu baaqayaa in ay indho-qudhaanjo ku eegaan tacadiyadda iyo xadhigga tiro beelay ee bilaa sharcigga ah ee ay xukuumadeenu la beegsatay dhalinyaradeena Intii ka Hadhey Tahriibka mudooyinkii ugu danbeeyey. Dhalinyaradaas la xidh-xidhay oo ka soo kala jeedday qaar ka mid ah magaalooyinka dalka sida Gabiley, Wajaale, Hargeysa, Berbera, Gar-adag, iyo Burco.

Haddii ay sidaas kusii waddo xukuumadda Somaliland xadhiga iyo tacadiyada ka dhanka ah Xoriyatul-qawlka waxa burburaya oo dhaawac wayni soo gaadhayaa wada-jirka shacbiga Somaliland.

 ucid

Muwaadiniinta dalku waxay u baahan yihiin in la dhawro, Xuquuqdooda Shakhsinimo iyadoo ay jiraan awoodo uu distoorka dalku uu siinayo muwaadiniinta dalka oo uu u Ogolyahay inay isku abaabulaan ururo ay ku horumarinayaan ama ay ku kobcinayaan baahiyahooda Aas-aasiga ah ee gaarka ah ama danta caamka ah ee qarankaba. Waxa taasi markhaati ka ah oo aad Warbaahinta ka aragteen iyadoo ay xukuumadeenu ay ka qayb gashay xafladdo tiro badan oo dad ururo dhalinyaro isku abaabulay ay jireen. Xisbigga talladda haya ee Kulmiye ayaa shirweynahiisii u danbeeyey beello isku qaybiyey oo tusay shacabka Somaliland in ay saamax tahay in qabyaalad dadka lagu kala sunto. Waananu ka xunahay in uu xisbigga Kulmiye is dhex-geliyo qabyaaladdii iyo xisbiyahanimaddii oo wasiiradda xukuumadda ka soo jeeddaa ay habeen iyo maalin xafladdo ugu sameeynayaan huteeladda dalka hab qabyaaladaysan oo ay taageero ugu raadinayaan xisbigga talladda haya ee Kulmiye iyagoo isticmaalaya xoolahii ummadda danyarta laga soo ururiyey.

Takooridda dhalinyaradda ee xisbigga Kulmiye wuxuu ka dhigan yahay mid odhanaaya “Haddaad i taageersan tahayna waxaad doontid samee, haddii aad i diidan tahayna waa lagu xidhayaa”

Ugu danbayn Xisbigga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in si deg-deg ah xoriyadooddii ugu soo celiso oo ay u sii dayso hogaanka iyo xubnaha ururka dhalinyaradda ee JIIDALI, Isla markaana ay ka deyso cabudhinta saxaafadda madaxa banaan iyadoo imika xadhiggii ugu dartay canshuuro dheeraad ah oo micnahooda guudi uu yahay CABUDHIN. Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa in ay ku mashquulto danta qaranka Somaliland ee loo doortay, dhalinyaraddana u raadiso sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa oo loo yarayn lahaa tahriibta ragaadisay dhalinyaradeenii.

Wa bilaahi Tawfiiq

 Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID

 Mudane. Yusuf Kayse Abdi_Laahi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here