Xisbiga UCID Oo Markale Farriin Hal-xidhaale Ah Ka Daba Diray Jamaal Cali Xuseen Oo KULMIYE Ku Biiray

0
40

ucid

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa dhaliilo kale u jeediyey murrashaxoodii hore ee madaxtinimada Md. Jamaal Cali Xuseen oo haatan katirsan KULMIYE, waxana ay tilmaameen inuu xagga hanka ku kala duwan yihiin.

Xoghayaha arrimaha Bulshada ee xisbiga UCID, Md Cabdiraxmaan Axmed Cali oo saxaafadda la hadlay, ayaa muujiyey sida ay xisbi ahaan u dhibsadeen isku dayada uu Jamaal ku raadinayo inuu dhammaan xafiisyadii xisbiga UCID lahaan jireen u beddelo qaar uu KULMIYE yeesho, waxana uu tilmaamay inaanu dhaqankaasi siyaasadda qayb ka ahayn.

Xoghaye Cabdiraxmaan waxa uu fariin u diray Jamaal Cali Xuseen, waxana uu xusay inaanu xafiisyada xisbigoodu  xisbi kale u  beddeli Karin, marka laga tago kuwii ay ku lahaayeen magaalooyinka Berbera iyo Burco uu xusay inay ku yaalleen goobo ay deggenaayeen reerka uu murrashaxaasi kasoo jeedo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“inta Geelu iskugu kiin jiro iyo guryihiina uun haddii aad calamada xisbiga ku daadisaan annaga waxba na yeeli mayso oo qaran baanu u taaganahay, shalay baad ogaydeen oo uu Jamaal yidhi calamada UCID intaad soo qaadataan daadiya, maantana Burco ayuu ka wadaa, laakiin waxan leeyahay intaasi waa intii geelu iskugu kiin jirey oo degmadii Burco dhiniciiniiye haddii aad nin gobolllada oo dhan saamayn ku lahaa tahay hal xafiis oo aan Berbera iyo Burco ahayn raaci.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here