Xisbiga UCID Oo Shalay Xaflad U Sameeyey Taageerayal Kala Duwan Oo Kasoo Jeeda Magaallada Boorama

0
58

18275128_778507232322048_9191264827838384828_n

Boorama (Hubaal) – Xisbiga UCID ayaa shalay xafladii ugu balaadhnayd ku qabsaday Magaalada Borama, taas oo ay ku soo dhaweenayeen Taageerayal miisaan leh oo ku soo biiray Xisbigaasi. Taageerayaashan oo ka soo jeeday Xaafado ka mid ah Magaalada Borama iyo Ururo ka dhisan Magaaladaasi oo kala ah Ururrada Jimciyatu Raxma, Hiil Walaal, Iyo Xaafadaha jaris, Badda-Cas, Shacabka Iyo Sheekh Cismaan ayaa Cududoodi ku biiriyay Xisbiga UCID. Xafladan oo ka dhacday Rays Hotel Ee Borama ayaa ahayd Xaflad ilyartu is qabatay, taas oo ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal laxaad leh oo reer Borama ah. Waxaana xafladan ka qeyb galay Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbigaasi oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Madaxda Gobolka Awdal Ee Xisbiga UCID, Madaxda Ururada Ku biiray Xisbiga UCID iyo taageerayal tiro badan oo ka soo qeyb galay Xafladaasi. Waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay Gudoomiyaha iyo Madaxda Xisbiga UCID waxaanay gacmo-furan ku soo dhaweeyeen Taageerayashaas ku soo biiray Xisbiga UCID, Waxanay sheegeen in Gudoomiye Faysal Yahay Reer Borama. Madaxda Ururada ku biiray Xisbiga UCID iyo Masuuliyiintii kale ee ka soo jeeday Xaafadaha Magaalda Boorama eeku soo biiray Xisbiga UCID oo halkaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka cadeeyay in ay ku biireen Xisbiga UCID oo ay cod iyo cudud-ba la barbar taaganyihiin Xisbiga UCID. Gudoomiyihii Kaambeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal ayaa xafladaasi ka shaaciyay in uu Xilkii uu u hayay Xisbiga KULMIYE uu iska Casilay, isla markaana uu maanta ku biiray Xisbiga UCID. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo gunaanadkii Xafladaasi ka jeediyay Khudbad taarikhiya oo dhinacyo badan taabanaysaa ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ururada iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga UCID, waxaanu bulshada Reer Borama uu ugu baaqay in ay Codkooda Siiyaan Xisbiga UCID. Xafladan intii ay socotay waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Ciyaaro dhaqameed kala gaddisan, iyadoo xafladaasina ay ku soo dhamaatay Jawwi Degen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here