Qori-lugud(Hubaal) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa toosh ku qabtey deegaanno ka mid ah bariga gobolka Togdheer oo aan haysan ama ka aradan adeegyo waxbarasho oo ku filan. Waxaana deegaannada sida gaarka ah u soo jiitay indhaha Masuuliyiinta UCID ka mid ah dugsi ku yaalla degmada Dhoqoshay, kaasi oo jiingaddo ka maqan tahay.
Waxaanu xisbiga UCID sheegay in kormeer uu dhulkaasi ku maray ku ogaaday dib u dhac ka muuqda waxbarashada deegaankaasi, waxaana deegaannada sida gaarka ah farta loogu fiiqey ka mid ah ilaa 11 tuulo iyo degmo ah oo dhammaan waxbarashadooda laga dayriyey.
“Immika ilaa 11 magaalo ayaan soo aragnay oo ka mid yihiin Qoryaale, Qaloocan, Dabaqabad, Dhoqoshay, Dhagax-dheer, Dharyalay iyo Balli-dhiig, markaa xoolihii laba jeer ayay cabeen oo dayr fiican ayaa dhulka Ka da’day, laakiin Anigu Faysal ahaan ardayda dhigata dugsiga sare ee Dhoqoshay toban ayaan balan qaaday inaan bixiyo lacagtooda, iskuulka bilaa jiigada ah ee Sakantariga magaalada Dhoqoshay, isagana waynu ka hawl-galaynaa sidii aanu u dhisilahayn” sidaa waxa yidhi, Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe oo la hadlayey dadweynaha deegaannadaasi.
Degmada Dhoqoshay ee dugsigeeda sare loo raadinayo Jiingadda ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer Somaliland, waxayna xudun u ahayd halgankii ururkii SNM.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aaden oo dhawaan la gar-dhigatay guddida ilaalinta hantida qaranka ee Golaha wakiilada, ayaa dooddeeda ku soo dartay in hay’adda Care ay dabayaaqada sanadkii dhamaaday deegaannada bariga ka hirgelisay ilaa 100 dugsi. Hasa-yeeshee adeegyada waxbarasho ee laga dayrinayo ayaa arrimahaasi su’aal gelin kara.
Somalilandtoday