Ujeedo Aqbalaad Xil Kaqaadis iyo Xil Magacaabis Gobalka Togdheer
Shir ay Maanta isugu yimaadeen golaha fulinta ee xisbiga Cadaalada iyo Daryeela UCID oo shirgudoomiyanayay gudoomiye Ali Maxamed Yusuf (Cali Guray) aya waxaa oo lagaga hadlaayay arinta gobalka Togdheer aya waxa kasoo baxay qodobadan hoos ku qoran
- In gudoomiyaha gobalka Togdheer Adan Maxamed Xusen Dirir awood buuxda uleeyahay dhamaan waajibaadkiisa gobalka Togdheer madaama uu isagu yahay masuulka ugu sareeya gobalka ee xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID.
- In ay dhamaan hawl wadeenada gobalka Togdheer ee xisbiga Cadaalada iyo Daryaalka UCID ku ixtiraamaan shaqadiisa.
- In gudoomiyahii hore ee garabka dhalinyarada degmada Burco ee uu badalay Gudomiye Adan Xuseen magacisuna aha Maxamed CIse Abdilahi iyo Gudoomiyaha cusub ee uu magacabay magaciisuna yahay Xamse Diriye Ahmed Xisbigu ku taageersanyahay.
- In wada shaqaynta gobalka la dardargaliyo isla markaana si wada jir ah loo hawlgalo
Sidaa darteed waxaan marlabaad laydin farayaa inaad dardargalisaan hawlaha gobalka si wada jira sida iyo wada shaqayn wacan
Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID
Abdiqani Ibrahin Yusuf (Kaptanka)