“Xisbiga Ugu Qaylada Badani Ee UCID, Bil Warlba $12,000 Buu Xukuumadda Ka Qaataa Xukuumadda, Weligiinna.”

0
40

“Xisbiga Ugu Qaylada Badani Ee UCID, Bil Warlba $12,000 Buu Xukuumadda Ka Qaataa Xukuumadda, Weligiinna.”

Xasan M. Cali (Gaafaadhi), Afhayeenka Xisbul-xaakimka Somaliland

 

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta iyo baahida loo qabo in gurmadka abaarta iyo doorashada la is waafajiyo.

Af-hayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi)oo isaga oo ku sugan magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar warbaabinta la hadlay, ayaa shaaciyey in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddu isku mid yihiin, isla-markaana xukuumaddu ku hawllan tahay is waafajinta abaarta iyo doorashada, isaga oo bulshadana usoo jeediyey inay ka dhursugaan ciddii ay arrimaha siyaasadda u igmadeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “ninka xisiga KULMIYE la hadlay waa nin xukuumadda la hadlay, waxa xisbigu ku hadlayaana waa afka xukuumadda, xukuumaddana masuuliyadda doorashada iyo ta abaarta labaduba iyada ayey saaran yihiin, siyaasaddana cid baad u dirateen oo idiin qaabilsan ciddaasina sida ay dantiinu ku jirto ayey u wadaysaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata Mudane Gaafaadhi waxa  xusay in siyaasiyiinta xisbiga iyo xukuumadda ku jirta xilligan wax u wadaan sida danta dadku ku jirto, isla-markaana ay xukuumaddu kaalin weyn ka geysatay xaaladda abaarta, balse axsaabta mucaaridku aanay wax muuqda ku darsanin dhibaatada abaarta,“waxa la idinku wadayaa sida dantiina loo arko, abaartana xukuumadda, ayaa dhaqaalaheeda haysa oo wadda, waxaas xisbi qaylinayana nin wax ku darsanayaa ma jirtee waxyaabo kale iyo farsamooyin ayaa la isku hayaaye, abaarta iyo dadka in loo gurmado cidina iskuma hayso” ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.

Xasan Gaafaadhi waxa uu si gaar ah uga hadlay xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu sheegay inaanu bulshada abaartu hayso wax kaalmo ah u geysanin, xilli uu bil kasta xukuumadda lacag ka qaato, waxana uu yidhi,“Xisbiyada mucaaridka ahi dawladda bil walba waxa ay ka qaataan lacag, xisbiga UCID oo  maanta ugu qaylo badanina $12,000 oo dollar buu bil walba ka qaataa xukuumadda weligiina meel abaari ka jirto 20-booyadood umuu dirin.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here