Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada oo khudbad gilgilashay quluubta Boorama, dareen farxad iyo qadarin leh kaga fal-celiyey soo dhawaynta loo muujiyey
“Waxaan Doonayaa Inaan Halkan Idiinka Caddeeyo, Guddoomiyaha Xisbiga Aan Xubinta Ka Ahay Ayaa Aniga Oo Gurigayga Iska Fadhiya Yidhi Reer Awdal Haka Soo Tashadaan Ninkay U Gartaan”
Boorama (Hubaal):- Guddoomiye ku xigeenka cusub ee loo doortay golaha wakiillada Somaliland Xil. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo Wefti ballaadhan oo ka kooban xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo socdaal shalay ku tegey magaallada Boorama ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey waxaa uu guddoomiye ku xigeenku kaga hadlay markii u horeysay hadallada uu xisbiga WADDANI ka yidhi fadhigii ay xildhibaannadu ku doorteen isaga, kaasi oo uu sheegay in uu xisbigaasi ku af gobaadsaday lib aanu lahayn. Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo khudbad gilgilashay quluubta shacabka Gobolka Awdal ka jeediyey fagaaraha Khayriyada Boorama, ayaa dareen farxad iyo qadarin leh kaga fal-celiyey soo dhawaynta baaxadda leh ee loo muujiyey kadib waxa uu tilmaamay oo uu ku dheeraaday kaalintii xisbiga KULMIYE iyo murrashaxashixiintiisu ku lahaayeen guushiisii golaha dhexdiisa, isagoo bulshadana ugu baaqay inay xil gaar ah iska saaraan inay abaalkaas u gudaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE waqtiga doorashada, waxaannu yidhi, “Kursigan muddo badan baynu u halgamaynay, tabashadaadana qofka ka garaaba, kugula hawlgal ee kula halgamaa abaal inuu kugu leeyahay Aadamaha oo dhan baa qiraya, Golaha Wakiillada ee 82-ka mudane ah ee codka aqlabiyadda ah igu doortay laba xisbi bay u kala baxaan, aqlabiyadda aan ku soo baxayna xisbiga aad maanta u dabbaaldegaysaan (KULMIYE), ayaa iska lahaa, iskumana qaldana, anna waxaan doonayaa inaan halkan idiinka caddeeyo, xisbiga KULMIYE ee aan xubinta ka ahayna waxa uu dedaal u galay oo uu hindisay in Gobolka Awdal uu helo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada, madaxweynaha qaranka, ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaana go’aamiyey oo aniga oo gurigayga iska fadhiya yidhi reer Awdal haka soo tashadaan ninkay u gartaan.” “Markaa Ceebay Ku Tahay Xisbiga Waddani Markaan Ka Guulaystay In Ay Yidhaahdaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle Annagaa Doranay”