Qalinkii: Maxamed X. Cabdillaahi (M. Indhacawl)
Qaybta(1)
Dad badan oo reer Somaliland ah, waayeel, dhallin-yaro, siyaasiyiin iyo shiciba lihi waxa ay dushha u saaraan waxyaabihii dhacay ee xanafta lahaa ilaa immikana taagan dawladda iyo xisbigeeda kulmiye. Xaqiiqaduse sidaa way ka fogtahay. Doorashda ka hor iyo intii ay socotayba reer waddani waxa ay iska dhaadhiciyeen in gobollada qaarkood, sida maroodi-jeex, gabiley, ceerigaabo, iyo meelo kale, inaan codkooda xisbina la qaysanayn, waxay kulmiye iyo ucidna ka helaan noqonayso fara-ku-tiris iyo waxaan dhaamin, Halka ay gobollada togdheer, awdal , sool iyo saaxilna ay isku qufuleen inay ka helayaan tirooyin laxaad leh, taasi waxa ay noqotay saadaal beenooday iyo riyo aan jirin oo reer waddani maqal iyo muuqaalbaa kaga bogteen oo sidii film oo kale isu daawadsiiyeen.
Waddani waxyaabaha sii beer-qaaday waxa ka mid ahaa maamihii ololaha oo dadweynaha gaar ahaan dumarka iyo dhallin-yarada ay xisbbi kasta maanlintiisa usoo baxaan, haka tirsaanaado ama yuuka tirsanaaneheesihii qeerada lahaa, iyo maryihii lalmanayey ee bilicda lahaa ayuun bay yidhaaheen kaasi waa waddani.
doorashadani waddani waa tii ugu horresy uu ka qayb-galo taasina waxay muujisay khibrrad la’aan ama waaya-aragnimo –la’aanta wax yaaba badan ka qabsatay xisbigaa.
Mid kale ayaa iyana si cad u soo shaac-baxday taasoo gaar u ahyd guddoomiye cirro; waxay tahay, marka facaacil kiisa loo fiirosado waxa kuu muuqanaysa inuu jiriay ku tala-gal ahaa, haddiiba ay dhacdo in laga guulaysto in aanu marnaba si fudud ugu hanbalyeyn cid kasta oo ka hesha, taa waxaa markhaati u ah inaan ilaa immika aan afkiisa laga hayn waa la iga helay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee doorashadii ayaa la galay, wax la wadaba nabad iyo caano ayaa lagu soo gaba-gabeeyey, waxa mar walba iska soo dabadhacayey natiijooyinkii ka imanaayey goobihii cod-bixinta, dareen iyo baraarug weyn ayaa ku yimid reer waddani, waxa isu qaban waayey xisaabtan koodii gobollada iyo natiijooyinka saxda ah oo kala fog. Halkaas ayaa waxa ka bilaabmay guux, qash-qashaad iyo canbaareen lagula kacay guddigii doorashada, waxa loo tafa-xaytay sidii tiro korodhsi tab iyo xeelba, sir iyo caad siday doontaba ha lagu soo hooyee loo dhaqaao, waxbase Allah ugama tirin, waayo xaqaa socday, sir ma qabena Allaah u sahanah.
Markuu arkay daadadkan iyo mowjadahan, qaaday ee aan xumbo la cuskadaa iyo maare kale midnaba la heyn, ayey baala-xooftu iyo geed-marin bilaabeen, marka uu halkaa xaal marayo, musharrax cirro niyad-jabkii ugu weynaaba ku dhacay isaga iyo taageerayaashiisiiba. War-baahinta waxa uu la hortay uu ka sheegay in doorasho madmadow baahsani ka muuqdo.
Naf-la-caarigii, waxa cadhadii lagula dhacay sanaadiiqdii iyo guddigii doorashada oo si aad ah loo canbaareeyey , waxanay dalbadeen reer waddani in sandaadiiq fara badan dib loogu tiriyo, waxa loogu celceliyey in k badan 140 sanduuq oo ah Hargeisa iyo Gabiley., kumase qancin, waayo nin meeli u caddahay meel ka madow.
Waxaana ka soo baxday in ayaga lagu helay codod 70 ku dhaw oo kulmiye lahaa, oo si badheedha loo xaseeyey. Waxa la xaday book ka mid ah kuwii cod-bixinta si dambi loogu mal-malluuqo guddiga doorahsda. Waana boogga dhaliley dhibaatadii ugu weynayd. Ninka la yidhaa Maxamed Yaasiin ayaa go’da weyn ka xadday sida warbaahinta laga wada daawaday, lagana wada dhagaystay.
Muddo 10 daqiiqo gudahooda ah ayaa waxa shir-jaraa’id ula kala-baxay; Maxamed Yaasiin oo ah ninkii buugga jeebkiisa laga helay, Xuseen Axmed Caydiid, oo aan arrinta iska hubsan iyo guddoomiye Cirro, waxa ay baahiyeen si ay dadka u kiciyaan been abuur; in doorashadii la boobay, ku shubasho baahsan, is-daba-marin baahsan, dad bari hore dhintay oo codeeyey, in warqadihii doorashada iyo buugaag laxaday.
Wax ka jira arrimaas ma jirin , u jeeddada uu cirro ka lahaa waxay u muuqataa in doorashada la ciideeyo, aafana la rido.
Ugu dambbeyn maqaalkan waxaan ku soo koobayaa, guddoomiye Cirro xisbigii waddani waxa rarka kaga daadiyey badhtamaha beeshiisa, ha ku soo celiyo Xisbi qaran, dadkana xaqiida ha u sheego
La soco qaybaha dambe
Qalinkii: Mohamed H. Abdullahi (M. Indhacawl)