- Xil ku Waddani: Kooxdan waxaa hogaamiya Hamse Khaire, Maxamed Siddiiq Dhamme, iyo #Muniir . Kooxdani waxay u badan tahay dhalinyaro, kuwaas oo Xisbiga Waddani u galay inay ka soo fuulaan jararan-jarada Siyaasada. Waxay ka hayaan Xisbiga xillal muhiim ah, waana koox ku guulaysatay hadafkoodii. Dhalinyaradaasi inta badan waxay ku heesaan “Waddadii Caddayd, Cagta Saarnayeey, Ku Carraabiyoo, Cimrigii Jiryow, Caynaanka hay”
- Xasarad ku WADDANI: Kooxdan waxaa hogaamiya Dr. Ismaciil Buubaa, iyo Siciid Sulub. kooxdani maaha rag doonaya inay xil ka qabtaan Xisbiga imika iyo hadhow midna, hadana intaa way hanjabayaan. Heeska u saaranina waa “Walaahi waa digniin, Billaahi waa dardaaran, ……. dakharadaan ku jiido, dibuu u qoomamayn”
- Xin ku WADDANI: Kooxdan waxaa hogaamiya Xirsi, Maxmed Biixi, Ismaaciil yare, Xuseen A. Caydiid, Abiib Timacad. kooxdani Xisbiga Waddani waxay ugu jiraan oo qudha in Muuse Biixi aanu noqon Madaxweyne, mana laha ujeeddo ka dambaysa. Heesta ay mawjada u saarani waa “Culimada Adduunkee, Caafimaadka baadhow, Cuddurada la dabargoyn, Caashaqa halagu darro”
- Xaafad ku WADDANI: Kooxdan waxaa hogaamiya Ahmed Nour Guruje, Duur, Bashiir C. Xariir, Waabeeyo, Ilkacase, Nimco Qawdhan. Kooxdani waxay ka mid ahaayeen Xisbiga Kulmiye laakiin waxay mar dambe isku qanciyeen in ku biiraan Waddani, waxayna ka mid yihiin kooxda MUSDAMBEEDKA Xisbiga. Waxay dhagaystaan heesta waddaniga ah ee “Somaliland MARKAYGA, Somaliland MARKAYGA”
- Xisbi ku WADDANI: Waxaa hogaamiya Maxamed Uurcade (Xoghayaha Guud), Cabdi Raygal (Gud. Kuxigeenka Afraad), Dr. Fadal iyo Xil. Mahdi Buubaa. Kooxdani waa kaadirkii aasaasay Xisbiga Waddani ee markii Xisbigii UCID kala jabay raacay Cabiraxmaan Cirro. Imika waxbay saluugsan yihiin waxayna qaadayaan heestii ahayd “Gollaheena taliyaa, Go’aankii ay keenaan, hadaan garabka lala qaban, oon lala giraangirin, oo Goolkay dhaliyaan gees kale u laadaan”
- Xanaaq ku Waddani: Kooxdani hogaamiye malaha, waa koox iska habqan ah waxayna ka kooban yihiin Siyaasiyiin XILKA laga qaaday, ganacsato mashaariic waayey, Haween ka cabanaya dumar kale, dad cadhaysan oo isku buuqsan isla markaana midna mid la socon. Heesta u saarani waa “Maankiyo Madaxaa i kala Maqanoo, idinna wa iga Maadsanaysaaneey”
Raga Xisbiga Waddani ka mid ah baa seddex kooxood ku jirra.
Qalinkii: Xuseen Cabdi Cali – Badhaani