Hargeys:(Hubaal)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Maalintii shalay si rasmi ah Bulshada ugu soo bandhigay Qabyo-qoraalka Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu u qoondeeyey inuu ku galo Doorashooyinka dalka ka qorshaysan Sanadka 2017-ka.
Munaasibad si weyn loosoo bilay oo lagu qabtay Hutel Guleed ee Magaalada Hargeysa, isla-markaana ay kasoo qaybgaleen, Hoggaanka Xisbiga, Masuuliyiinta Gobollada Xisbiga u qaabilsan iyo Taageerayaal TIro badan oo Xisbigaasi leeyahay, ayaa uu Xisbigu kusoo bandhigay Barnaanijka uu ugu talo galay inuu Ku dhaqmo haddii uu talada dalka ku guulaysto, waxana Halkaasi lagu faahfaahiyey Hannaanka uu Xisbigu doonayo inuu Dalka u dhaqo iyo waxyaabaha ay mumiimadda siinayaan.
Halkan ka Daawo Madashii lagu soo bandhigay buugan iyo Weedhihii ay Masuuliyiintu ka jeediyeen