Xisbiga WADDANI Oo Fadhiid Ku Tilmaamay Siyaasadda Debedda Xukuumadda Biixi, Soona Bandhigay Safaarado Aan Jirin Oo Dhaqaale Badani Kaga Baxo Somaliland

0
15

“Midowga Afrika, Wakhtigii Daahir Rayaale Waxa Aanu Ku Lahayn Observers, Waannu La  Socon Jirnay Waxa Lagaga Hadlayo Iyo Waxa Lagu Soo Qaadayaba Shirka EU-Da, Maanta Cid U Tagtay Iska Daayoo, Wasiirkeennii Dhamaa Maba Joogo, cid xukuumadda ah oo Hadal Haysana ma jirto

Marwo Faadumo Siciid; Xoghaya Arrimaha Dibedda Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Hubaal) Xoghaya arrimaha dibedda ee xisbiga mucaaridka Waddani, Marwo Faadumo Siciid ayaa si kulul uga dhaliishay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi inay ka gaabisay siyaasadda ictiraaf raadinta Somaliland. Marwo Faadumo Siciid oo shalay xarunta xisbigaasi ku leeyahay hargeysa ugu waramaysay warbaahinta qaar, ayaa sheegtay in siyaasaddii arrimaha dibeddu fadhiid noqotay, waxaanay soo bandhigtay sideed wadan oo Somaliland aanay ku lahayn safaarado iyo sidoo kale dhaqaalaha ay xukuumaddu ku bixiso siyaasadda dibedda, gaar ahaan qunsuliyadaha Somaliland ku leedahay wadamada dibedda

“Kharashka ku baxa safaaradaha Somaliland ee dibedda oo miisaaniyadda ugu jirta waxa weeyi 10 Bilyan oo shillinka Somaliland ah. Marka aan ku dhuftay sarifka maanta marayo ee baanka dhexe ee Somaliland ee doolar loo rogo waxa noqonaysaa $ 1 Milyan iyo soddon, lacagtaas baa loogu talogalay in laga shaqeeyo safaaradaha Somaliland ee dibedda.” Ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid

“baadhitaan aan maalmahan oo dhan ku jiray, safaaradaha innoo furan iyo kuwaan inoo furnayn. Waxaan soo ogaaday in wadamada kala ah; France, Germany, Norway, Ireland, Austria, Denmark, Isweesar land, South Africa aanay safaaradi ka jirin, waana inta aanu soo ogaanay ee aanu hubno, waana meelahii lacagta ugu faraha badan lehi innooga iman jirtay. Waxa cajaa’ib igu noqotay laba safaaradood oo inoogu muhiimsan, oo midi muhiim sii tahay, waana ta UK innoogu taalla oo ah ta lacagta ugu faraha badani ku baxdo, ayaa waxay ku taalaa meesha ugu xun oo safaarad ama xafiis ka furnaan Karin.” Ayay hadalkeeda sii raacisay Faadumo Siciid

Geesta kale, Xoghaya arrimaha dibedda ee xisbiga mucaaridka Waddani, Marwo Faadumo Siciid, waxay sheegtay in xukuumadda madaxweyne ka gaabisay doorkii ay Somaliland ku lahayd shirka midowga afrika ee ka qabsoomay magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka dalka Itoobiya, iyadoo arrimahaasi ka hadlaysana waxaanay tidhi;

“Midowga Afrika, wakhtigii Daahir Rayaale waxa aanu ku lahayn Observers, waanu tagi jirnay shirka dalalka midowga afrika, waanu la socon jirnay waxa laga hadlayo iyo waxa lagu soo qaadayaba, safiirkeenu marka shirku soo dhammaado, albaabka hortiisa ayuu dadka kula hadli jiray oo uga warbixin jiray waxyaabaha shirka lagaga hadlay, waraaqo Somaliland ka sheekeynaya ayay u qaybin jireen madaxda shirka soo qaybgasha. Maanta cid u tagtay iska daayoo, wasiirkeennii dhamaa maba joogo, maba hadal hayo ba, cid kaloo hadal haysaana ma jirto.” Ayay tidhi Faadumo Siciid, waxaanay intaasi sii raacisay, “Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibeddu maalin dhawayd, wuxuu u jawaabay Cabdiraxmaan-cirro, wuxuu yidhi waxba kama oga xafiiska arrimaha dibedda, isagoo hadalkii sii wata wuxuu hadana ku sii daray, waxaanu imika ka nimid dalka Malaysia oo aanu ilo dhaqaale ah kasoo furaynay!!!. Wasaaraddii dibeddu goormay noqotay wasaaraddii ganacsiga, goormay noqotay wasaaraddii horumarinta dhaqaalaha, waxbaanu u diranay oo wadanku u dirtay oo loo igmaday inay aqoonsi innoo raadiso inay caalamka Somaliland ka daadajiso.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here