Xisbiga WADDANI Oo Iska Difaacay Eedo Lala Xidhiidhiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

0
26

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa iska difaacay eedo uu dhawaan usoo jeediyey Guddoomiyahada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md  Muuse Biixi Cabdi. Waxana ay dhinacooda eedo cusub u jeediyeen Guddoomiyaha Kulmiye. Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Waddani Md Axmed Muumin Seed oo u warramay Telefishanka HCTV, ayaa isagoo Guddoomiyihiisa ka difaacaya Eedaha kaga yimi dhiggiisa Kulmiye, waxa meesha ka saaray eedaha loo jeediyey Guddoomiye Cirro, waxana uu ku adkaystay inuu yahay Guddoomiye la doortay oo taageero badan shacabkiisa ka haysta.  muumin seedAxmed Muumin Seed  sheegay in Xisbiga Waddani ay Muuse Biixi u jawaabi doonaan marka uu noqdo Musharraxa Xisbigiisa, waxana uu ku eedeeyey inuu ku hawllan yahay soo noolaynta Colaado sokeeye oo muddo ka hor laga bogsaday,  “Muuse Biixi waxanu u jawaabi doonaa marka uu Musharraxa Xisbiga Kulmiye Noqdo, Waxana uu maanta Xoqayaa nabarradii hore ee somaliland ka heshiisay ee dagaalkii sokeeyaha ayuu maanta muuse xoqayaa, taasna maanta somaliland uma baahna oo waa qaran jira. Waxana la rabay in manata doorasho uun loo diyaargaroobo.” Ayuu yidhi Axmed Muuse Seed.  Mudane Seed oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu rumoobay odhaahyo kulmiye caan ku ahaan jirey oo nuxurkoodu ahaa inaan Dawladnimo looga aayi doonin, waxana uu yidhi,  “ayaamihii ay Kulmiye doorashada heleen waxay odhan jireen ma jiri doonto dawladnimo annaga naga dambayn doontaa, hadalladii muuse-na taasaan ka dhadhansanayey.”  Waxa  kale oo uu Axmed Muumin Seed ka Hadlay Dib u dhaca Doorashooyinka iyo muranka ka taagan Heshiiskii Xisbiyada iyo xukuumaddu ka galeen Muddo-kordhinta xukuumadda, isagoo xukuumadda ku sheegay mid aan la aamini Karin oo heshiisyada aan fulin Karin, mar walba oo aanu Doorashada ka Hadlaynaynaba xukuumaddu been bay noo sheegayaan, heshiisbay gelayaan been bay ku dhaaranayaan, madaxweynaha ayaanu is ognahay ayey leeyihiin haddana waxaas waxba kama jiraan, laakiin annagu marwalba waxanu u tudhaynaa qaran-nimada yara kulmiye iyo xukuumaddiisana maanta waxa muuqata inaanay doorasho diyaar u ahayn.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.  Hadalka Guddoomiye Seed, ayaa ka dambeeyey eedo kulul oo uu Guddoomiye Muuse biixi maalintii dorraaad dusha ka saaray Guddoomiyaha Waddani, kuwaas oo salka ku hayey arrimo la xidhiidho Federalnimo Somaliweyn la xidhiidha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here