Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Maati Mudaharaad La Hor-tegtay Wasaaradda Daakhiliga Oo La Dhibaateeyey

0
33

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md Axmed Muumin Seed ayaa si adag uga Hadlay Dhibaato ka taagan caasimadda Hargeysa oo lagu xidhxidhay Dad Boqol qof ku dhaw ahaa ka ganacsan jirey Hilibka Magaalada Lagu qalo, waxana uu tallaabadaas ku tilmaamay mid nolosha umadda lagula dirirayo. dad cabashoAxmed Muumin Seed oo qaar kamid ah  dadkaas hilibka ka ganacsada kula hadlay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Horteeda, ayaa sheegay in Kootada la doonayo in Dawladda Hoose ugu xidho shirkadda Maandeeq ee Xoolaha Gawracdaa uu yahay mid aan la aqbali Karin, waxana uu madaxweynaha ugu baaqay inuu dadkaas dhibaataysan si dhakhso ah arrintooda usoo farogeliyo,“dadkani waxad ogtihiin in neefka adhiga ah ee ay qalayaan inay wiil iyo Hablo aqoonyahanno ah dalka ugu soo saaraan, maantana waa kuwan Gidaarka taagan, Hargeysa-na 16-sariibadood baa xoolaha lagu qalaa, waxana ay xukuumaddu doonaysaa in laba qof  koomo ugu xidho, Horena waad u ogaydeen inay Haamihii, Laydhkii Berbera iyo Hargeysaba way wareejisay. Ilaa dalkii bay haatan iibisay oo aanu ognahay. Maantana Hiliblayaashii bay soo gaadhay, madaxweynuhuna Haddii uu dalkiisa wax ka ogyahay waa inuu u naxaa dalkiisa.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Mudane Seed oo hadalkiisa sii wata, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu gacan ka geysto in Dad badan oo Hiliblayaasha Hargeysa katirsan oo Booliska Xabsiga dhigeen lasii daayo, waxana uu yidhi,“Shalay markii daahir rayaale Dalka ka baxayey waxa la lahaa Daahir Dabadii dab-ba lama shidan, maantase waa rumowday taasi, Dadka masaakiinta ah ee xidhan halla sii daayo dad badan baa xidhxidhan oo qaarkood xanuuno badan qabaan oo aan jeelasha xamili Karin, madaxweynuhuna waa inuu arrintaas faraha la galaa”

Dhinaca kale Dadkii hiliblayaasha ahaa ee Guddoomiye-kuxigeenku kula Kulmay Xarunta Wasaaradda Arrimaha, ayaa dhinacooda muujiyey inay dhibaato badan oo xagga nolosha ahi haysato, waxana ay si xeel dheer  u macneeyeen xaddiga dhibta haysta,“maalin walba inay boolis noosoo kaxaystaan oo ay leeyihiin xoolahayagii baanu qasab ku haysanaynaa, Xoolahayagii aanu qali lahayna, qaar waraabeyaal baa cunay oo ma hayno, ninka maandeeq haytaan waa nin shicib ah oo annaga nala mid ah, dawladdana waxanu ka rabnaa inaanay Dawladdu nooga Hiilin,” ayey tidhi Haweenay kamid ah Haweenka hilibka qala ee mudaharaadka  samaynayey.

“Adeegga Maandeeq ma dhaafo xaadhista meesha iyo qaadista Hilibka labadaasna ma dhaafsiisna, waxa ay noogu hanjabaysaana intaas ma dhaafsiisna, wixii intaas dheerna annagaa iska bixina.” Ayuu yidhi Nin kamid ah Dadkaas mudaharaadayey oo Shirkadda Maandeeq ee dhibaatadan sababtay ka Hadlayey shaqada ay Hiliblayaasha u qabto.

 

Magaalada Hargeysa, ayaa maalintii labaad gashay Hilib la’aan, waxana sii socda xadhigga iyo Qabqabashada ay xukuumaddu ku hayso Hiliblayaasha ka gadooday Lacagaha dheeriga ah ee Shirkadda Gawraca Xoolaha ee Maandeeq ay Kordhisay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here