XISBIGA WADDANI OO KU EEDEEYEY XUKUUMADA SIILAANYO IN SOOMAALIYA KAGA ADKAATAY DHINACA DIBLOMAASIYADDA

0
45

“Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waa lagaga adkaaday diblomaasiyadda xidhiidhkii beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay”

Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku eedeeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay ku fashilan tahay siddii ay beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay uga dhaadhicin lahayd inay iskeed  gacanta ugu hayso maamulka hawadeeda.

xildhibaan-Mahdi-Buubaa

Afhayeenka xisbiga WADDANI Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, kana tirsan xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa saxaafadda u sheegay maanta inuu xilligan dhicisoobay heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen dalka Turkiga ee qorshuhu ahaa in la sameeyo guddi wadajir u maamula hawada sare, xaruna looga dhigo caasimadda Hargeysa.

“Waxaannu arrintaa u aragnaa arrin fashilan, xukuumadduna ka gaabisay doorkii ay ka qaadan lahayd ama waajibkeedu uu ahaa in ay ka gudato. Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waa lagaga adkaaday diblomaasiyadda xidhiidhkii beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay. Waxa kaloo aannu u aragnaa in ay tahli kari wayday inay UN-ka iyo beesha calaamka ku qanciso, una soo bandhigto siyaasad u cuntanta oo mug leh oo hufan oo ay ku qanciso in ay iyadu ay gacan teeda ku maamusho hawada sare,” ayuu yidhi Md. Buubaa.

Waxa kaloo afhayeenku sheegay in qaabka markii hore loo galay heshiiska maamulka hawada sare uu ahaa mid qarsoodi ah oo laga qariyey xisbiyada iyo golayaasha qaranka, waxaannu yidhi; “Annagu ka WADDANI ahaan markii horeba waxaannu aaminsanayn in heshiiskani uu markiisii horeba uu ahaa mid la midi-roorteeyey oo faashil ahaa. Waa aynu ogayn markii Turkiga la tagayey ee heshiiskaas la soo galayey inuu ahaa mid qarsoodiya oo la qarsaday. Xisbiyada mucaaradka ah oo ay ahayd inay ka qaybqaataan iyo Golayaasha Qarankuba badan koodu aanay ka qaybqaadan oo xubno iyagu xusheen ku tageen meeshaas (Turkiga), weliba waxaad arkayseen in qaabka marka horeba xukuumaddu u gashay heshiiska uu madmadaw fara badan ka muuqday, waxana imminka caddaatay in diblomaasiyad ahaan ay xukuumaddu ku fashilantay beesha caalamka ama Qarammada Midoobay in Somaliland ay iyadu maamusho oo iyada gacanta laga galiyo hawadeeda. Waxaanna cadaatay sida Wasiirka Duulista afkiisa ka sheegay in Qarammada Midoobay ay hawadii Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexaysay ku wareejisay iyadoo isku jirta dalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Afhayeenka WADDANI.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo Nairobi ka soo laabtay maalintii Sabtida, ayaa caddeeyey  in dawladda Soomaaliya ay gebi ahaanba baalmartay heshiiskii hore wadahadallada Turkiga loogu gaadhay in guddi madaxbannaan maamusho hawada sare, isla markaana horraanta sannadka 2015-ka dib loogu soo celiyo gacanta Soomaalida, isagoo ka digay in  halis wayn oo ka dhalan karto sii socoshada khilaafka maamulka hawada sare ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, kaas oo maamulka Muqdisho dabada ka riixayo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here