Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Aanay Kala Xigtaysanayn Musharaxiinta Xisbul-Xaakimka KULMIYE

0
30

Hargeysa (Hubaal) Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay inay ka xisbi ahaan aanay kala jeclayn musharaxiinta ku tartamaya xisbul-xaakimka Kulmiye, isla markaana ay isugu mid yihiin. Xisbiga waddani waxa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin inuu si bilaa turxaan ah oo nabadgelyo ah ku soo dhamaado tartanka musharaxnimada xisbiga Kulmiye oo 10-ka bisha November la filayo inuu shirweynahoodu qabsoomo.

Waxa xusid mudan in aan xisbiga WADDANI kala jeclayn cidda ka soo baxaysa, isla markaana  cid gaar ah taageersanayn, waxa aannu diyaar u nahay in aan tartan xor ah oo xalaal ah la gallno cid kasta oo ay soo saraan Gollaha dhexe ee xibiga KULMIYE,” sidaasi ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Warkan Xisbiga Waddani wuxuu ka dambeeyay hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo saxaafaddu u dhigtay in xisbiga Waddani ka walaacsan yahay inay doorashada 2017 la tartamaan Wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, taas bedelkeedana ay jeclaan lahaayeen musharax ay kaga guulaystaan doorashada.

Mawqifka tartanka Kulmiye

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here