Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Askartu Jidhdil U Geysteen Wariye Muniir Oo Ku Xidhan Saldhiga Dhexe

0
32

barkhad jaamac

Hargeysa (Hubaal)-Xogahayaha Caddaaladda Xisbiga Mucaaradka ah ee  WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi ayaa sheegay in saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay ciidanka bilaysku ku jidh-deen Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI,kaas oo maalintii sadexaad halkaas ku xidhan, waxaanu sheegay in loo diiday in ay ehelkiisu ku bookhaadn xabsiga. Md Barkhad Jaamac Xirsi oo  maanta war-baahinta kula haddlay xarrunta guud ee Xisbiga WADDANI ayaa sheegay  in siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI oo tan iyo malintii khamiisti ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa loogu geystay gudaha saldhiga jidh-dil arxandarro ah,waxaanu xusay in xataa ay nabaro ku yaalaan korkiisa,“Muniir Maalintii khamiista ilaa iminka wuxuu xidhayahay  muddo saddex cisho sanka la gelyasa , distoorkuna wuxuu sheegayaa 24-tan sacadood gudahood  waa in qofka xorriyad kaga qaaday lagu horgeeyaa,lamana horgayn cid haysatana la garab maayo ”Ayuu yidhi Barkhad Jamac Xirsi

Xoghayaha oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegayn in xabisiga lagu jidh-dilay siyaasi muniir,isagoo xusaay in la garaacay oo ay nabaro ku yalaan“Muniir dadka xog-ogaalka ah ee u tegay ma soo arkay waxay sheegeen  in jidh-dil loogu dhexgeystay jeelka oo ay nabaro ku yaalaan oo tacadi fool xun lagula kacay,isagoo xorriyadisii qof-nimo laga qaaday qol ka gaar ah oo kuwa argagixisada lagu xidho ayaa lagu xidhay “Ayuu yidhi Barkhad Jaamac.

Xogyaha Cadaalada ee Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac ayaa ugu danbayntii sheegay in ehelada siyaasigan xidhan loo diiday in ay xabsiga ku bookhdaan“Muniir Aabihii iyo waalidkii iyo cidii ugu dhaweyd waa loo diiday in ay bookhdaan,saaka cuqaal  iyo madax-dhaqameed  uu caaqil Rashiid Jaambiir hoggaaminayo  ayaa u tegay Taliayaha Bilayska ee saldhiga dhexe,waxaanu  u sheegay in aan la siidaynayn loona ogolayn in ay galaan.”ayuu ku soo afmeeray haddalkiisa .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here