Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Sabab Xukuumaddu Ugu Marmarsiyoonayso Muddo-Kordhin Ka Badan Sannad

0
40

Xoghayaha Guud Iyo Afhayeenka WADDANI Oo Talooyin & Digniino Is-Barkan U Diray Xukuumadda Iyo Golaha Guurtida

Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa ku dooday in xukuumadda KULMIYE diyaarsanayso marmarsiiyo xilka loogu kordhiyo muddo ka badan sannadka Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

uurcadeXoghayaha Guud ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo shir-jaraa’id ku qabtay maanta Hargeysa, ayaa tilmaamay in xukuumadda iyo xisbigeedu wataan sababo ah in xilliga Komishanku cayimay in doorashooyinku dhacaan ee 1 June 2016 ay ku beegan tahay waqti lagu jiro kulaylka xaggaaga, sidaas darteedna aan doorasho la qaban karin.

“Haddii xisbiyada qaranka oo danta ummadda eegayaa hal sanno oo muddo-kordhin ah oggolaadeen, waxa Guurtidu waqti intaa ka badan ugu dartaa waa kaalaya oo is-dila. Waxaannu leenahay ka daaya. Waxa kale oo suuqa maraya oo ummaddu hadal haysaa in si muddo-kordhin sabab loogu yeelo la leeyahay maalinta Komishanku qabtay ee 1-da June 2016 waa kulayl. Waxaannu leenahay doorashadii Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Faysal waxay ahayd June, waxaanuna leenahay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan haddii markii Siilaanyo galayay kulayl noqon wayday oo hadda markuu Cirro galayey noqoto ka daa baannu ku leenahay, markaa ma garanayno wax is-beddel, wixii sannad ka badan marna ma aqbalayno haddii aannu nahay xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Uurcadde.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay waajib tahay in guurtidu sharceeyo muddada sannadka ah ee Komishanka Doorashooyinku soo jeediyey, wax dheeraad ahna aan lagu dari karin, “Waxay ummadda Somaliland xisbiyaddeeda qaranka, Komishanka Doorashooyinka, xukuumadda iyo Beesha Caalamkuba isku raacsan yihiin in muddadii Komishanku u qabteen in doorashadu ku qabsoonto sideeda loo qabto oo la isku wada raaco, waana la isku wada raacsan yahay, wax dhib ah oo ka jirtaana ma jiro.”

Xoghayaha Guud ee WADDANI, ayaa sidoo kale farriin u diray Golaha Guurtida, waxaannu yidhi; “Guurtidu qarankan waxay ku leedahay qiimo aad iyo aad u weyn, meelo badan iyo dhibaatooyin waaweyn dalkan way ka soo badbaadisay. Sidii aynnu ku naqaannay waxay ku taami jirtay inay nabad-qab iyo wadajir umadda ku wado. Waxa nasiib-darro ah oo hadda muuqata in waxaas xisbiyaddii, Komishankii iyo caalamkuba isku raacsan yahay ay dood galiyeen oo dood laga furay, waxaanan leenahay Golaha Guurtidu ha ku shaqeeyo sharafta iyo karaamada ay ku lahaayeen qaranka Somaliland oo wixii ay ku tabci jireen aanay khasaarin, kana shaqeeyaan isku duubnida iyo nabadgelyada ummadda, wixii intaas ka duwan ee ay sameeyaanna waa dhibaato ku timaad dalka iyo dadka.”

Dhinaca kale, Md. Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ahna Afhayeenka WADDANI oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay xisbi ahaan taageersan yihiin muddada Komishanku caddeeyeen inay ku qaban karaan doorashooyinka ee 1 June 2016, wixii intaa ka badan ee la kordhiyana aanay aqbali doonin, isagoo Golaha Guurtida ugu baaqay inay ixtiraamaan go’aanka la isku wada raacsan yahay ee beesha caalamkuna taageersan tahay ee la xidhiidha in muddo sannad ah la kordhiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here