Xisbiga WADDANI Oo Soo Dhaweeyay Xalka Laga Gaadhay Khilaafkii Dalladda Dhalinyarada SONYO

0
33

Hargeysa(Hubaal) Guddoomiyaha Laanta Bristol ee  Xisbiga Waddani Cabdilaahi Cabdi Cigge ayaa Waxa uu soo Dhaweyey Heshiiskii laga gaadhay Khilaafkii Ragaadiyey Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo muddo dheer Khilaaf u kala qaybiyey labba Garab.

 Cabdilaahi Waxa kale oo uu Xukumada Siilaanyo uga Digay in ay Muddo Kordhin Sameysato.

 Guddoomiyaha Laanta Bristol ee  Xisbiga Waddani Cabdilaahi Cabdi Cigge oo Arrimahaasi ka hadlayaa Waxa uu yidhi.

dhismaha-SONYO“Aad iyo aad baan ugu farax sanahay  in khilaafkii SONYO la dhameeyo, isla Markaana  wadda jir ku shaqeeyaan, runtii hawshaasi cid kasta oo wax ka qabatayna waxan leeyahay Hambalyo, Dhalinyarada SONYO waxan leeyahay Hambalyo,  Wasiirada ka hawlgalayna waxan leeyahay markii horeba idiinka Dhalinyarada Sunta la soo dhex galaye, mar haddii suntii aad daaweyseen  Hambalyo.

Dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay Tii Sonyo la dhameeye, ee ta  Dalka Somaliland wax halaga qabto oo Xukumada shuruucdii waddanka ku tumatay kuna takrifashay Hantidii Dadweynaha, isla markaana ku meeraysanysa God Mulac aynu meel uga soo wadda jeedsano isla markaana dalka ka badbaadino, Madaxweynahana waxaan leeyahay haddii aad Korodhsato Korodh xaaran ah dadweynaha Somaliland ee nabbada Jeceli way ku sii nacayaan ee Ogow” Cabdilaahi Cabdi Cigge.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here