Toronto (Hubaal) Kulan ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen Hogaanka Sare ee Xisbigga WADDANI laantiisa magaaladda Toronto ee dalka Canada, ayaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee Somaliland iyo hagar-daamooyinka Xukumadda Madaxwayne Siilaanyo ku hayso shacbigga xariirta ee jecel nabadda iyo xoriyadda.Falanqayn dheer ka dib, waxa kasoo baxay qodobada soo socda;
- IIBINTA HANTIDA QARANKA..
Waxa dhawaan la iibiyay labadii warshadood ee laydhka Berbera & Hargeisa , ayada oo aan loo marin nidaam waafaqsan sharciyada dalka iyo nidaamka duwaliga ah ee lagu wareejiyo hantida qaranka “ “ privatizaion process’ . Waxay ahayd in dawladdu shacabka u soo bandhigto iibinta labada warshadood, sababaha ay u maamuli kariwayday, barnaamijka ugu wanaagsan ee laydh jaban lagu gaadhsin karo bulshada ku dhaqan Hargeia & Berbera, qiimayn lagu sameeyo kharashka ku baxaaya ,lagu dhawaaqo shirkad cusub oo la wareegta lahaanshaha & maamulka labada warshadood,Xukumadu sheegto saamiga ay ku yeelanayso ; inta hadhayna loo soo bandhigo ganacsatada waawayn iyo saamilayda yar-yar “ small investors”, oo qof walba fursad loo siiyo ka qayb galka wax ku lahaanshaha hantida qaranka. Xisbigga WADDANI, marka uu xukunka la wareego, wuxuu hantida qaranka u maamuli si cadaaladi ku jirto oo loo simanyahay “ Fair & equitable distribution of public wealth ”
- CABUDHINTA SAXAAFADA & GARSOORKA.
Somaliland waxay kaalinta hore kaga jirta dalalka lagu cabudhiyo saxaafadda laguna xidh-xidho suxufiyeenta . Nasiib daro, waxaynu tartan cabudhinta ah kula jirna Eriteria, North Korea, Iran iyo Syria. Waxaynu dalalkaas dheernahay cabudhinta Garsoorka. Waxaanu aad uga xunahay ficilka lagula kacay Garsoore Xussein Belel, oo shaqadii laga joojiyay markii oo xayiraada ka qaaday WARGEYSKA HUBAAL. Waa dhacdo ugub ah oo aan caalamka ilbaxa” civilized world” hore uga dhicin. XISBIGGA WADDANI, TORONTO, wuxuu cod dheer iyo mid gaabanba ku gaadhsiin doona hayadaha caalamiga ah ee arrinkaasi khuseeyo.
- SAFARKA MADAXWAYNAHA EE GOBOLADA GALBEEDKA.
Way haboontahay in Madaxweynahu safar shaqo ah ugu baxo goboladda dalka , soona ogaado dhibatooyinka jira. Waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqaynaa Gobolka AWDAL oo ka mid ah goboladda Somaliland ugu faca wayn , tiro iyo tayaba. Waxa halka ka jira tabashooyin iyo cabashooyin fara badan.Waxa iswayndiin mudan, sababta uu Madaxwaynahu habayn qudha u seexan waayay Borama, si u xaqiiqada dhabta ah u soo ogaado.Waa sua’al dad badani iswaydiinaayo, jawaabtana waxa laga sugayaa Madaxtooyadda?
WAA BILAAHI TOWFEEQ.
- IBRAHIM ABSIIYE , GUDOOMIYAHA XISBIGGA WADDANI,TORONTO,CANADA.