Hargeysa (Hubaal)- Cabdikarriim Axmed Maxamed (Xinif) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbigga Muxaafadka ah ee KULMIYE,ayaa ka hadlay kullan Magaaladda Burco ka dhacay,kaas oo u dhexeeye Beellaha Galbeedka Hargaysa Iyo Barrigga Burco. Agaasime Xinif, ayaa sheegay in kullankaasi ahaa mid ku cusub saaxadda Siyaasadda Xisbiyadda,iyadda oo inta badan Beesha Musharaxa Madaxweyne leh ay wax-garadkooda beellaha kale cod-u-doontaan,balse ay dhacdadani ahayd beel saddexaad oo Beel kale cod raadinaysa,waxaana uu intaas raaciyay inay arrintaasi ahayd sawir-gacmeed Bulshada lagu tusayay in aannu Musharaxa KULMIYE beeshiisa taageero buuxda ka haysan. Sidaasna waxa uu ku sheegay Qoraal uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga, waxaana u u dhignaa sida tan; “Xisbiga waddani oo ka mid ah xisbiyada qaranka ee 3-da ah, ayaa Burco wuxuu tegey muddo dhawr maalmood ka hor ah. Waana safar ka mid ah safarradiisa xisbi ee isaga u gaarka ah. Dad kala jaad ah ayaa dhinacyo kala duwan ka eegay cid bogaadise iyo cid aan jeclaysanba. Khaladaad ka muuqdaa wuu jiraa keligoodse maahee xisbiyadu way wada galaan khaladaad.
Waxase xisbiga safarkiisa iiga muuqday dhacdo iyo khalad uu keli ku yahay.
Muxuu yahay kan uu ku keliyaystey?
Hore umay dhicin xisbi Waddani ka horreeyey oo koox isku qabiil ah oo aan ahayn qabiilka had iyo goor murashsxu ka soo jeedo inta la isu soocay qabiil kale loo diray.
Si la ii fahmo aan caddeeyo ujeeddadayda.
Ku dhaqanka qabyaaladdu waxa uu ka mid noocyada dhaqan bulsheed ee aynnu u samaysannahay waana shay dadku iskaga wada mid yahay, mana aaminsani in cid ku dhaqantaa ay cid kale ku canbaarayso
Taa markaan leeyahay ma lihi way wanaagsan tahay haseyeeshee sidan aynnu ugu dhaqannaa waa si foolxun haddana ina xushan oo aan si dhibyar looga guuri karin.
Tusaale ahaan murashax walba waxa marka ugu horraysaba laga eegaa dhinaca qabiilkiisa oo waxa la odhanayaa reerkiisu ma ogholyahay.
Haddii la arko in qabiilkiisu wato qabiilkaa ayaa qabaa’ilka kale u taga oo taageero waydiista una abaal dhigta waana shay caadi iska noqotay Somaliland dhexdeeda.
Haddii aanu murashaxu qabiilkiisa intooda ugu badan wadan waxa qabiilka kale ku yidhaahdaa idinkaa qaybsane soo midooba, waana caadi soo jireen ah inaan qabiilku 100% is wada raaco weligeedna may dhicin.
Xisbiga waddani waxa uu isku deyey inuu sameeyo sawir gacmeed uu Beesha Habarjeclo ugu sawirayo inaan murashaxa kulmiye beeshiisu u dhamayn
Dabadeed waxa uu isu soocay koox ay muuse isku beel yihiin oo waddani ka tirsan isla markaana casuumad qado ah ayuu isugu ballamiyey labadii kooxood, nasiib darro madaxda waddani waxa u dhuumatay in qoladan uu wataa ay badankoodu yihiin qoladii madaxweyne siilaanyo markii uu murashaxa ahaa ka soo horjeeddey ee sidaa ay iminkaba Muuse ula dagaallamayaan ay Siilaanyana ula dagaallamayeen.
Sidoo kale waxa u dhuumatay in Habarjecladu si fudud warka isu gaadhsiiso oo ay kala yaqaannaan ninka ganay iyo ninka galladay.
Sidoo kale ma hubo anigu inay fahmeen markii danbe in qolada ay la shireen laftoodu ay u badan yihiin kuwii iyaguna Siilaanyo ka baydhay doorashadii.
Waxa kale oo aan hore u dhicin beel murashax wadata oo beel ay isku deegaan yihiin u dirtay inay beel saddexaad cod u weydiiso.
Sow sida saxda ahi may ahayn in reer Burco wax is weydiistasn.
Sow ma habboonayn qolyahan la dirtay in beeshooda horta marka hore loo diro oo meel la yaqaan soo joojiyaan.
Waxay ila tahay sawirka keliya ee la rabey ayaa ahaa kaa aan xagga hore ku soo sheegay.
Waxaan kaga baxayaa waa laga yaabaa in dadka qaarkii is weydiiyaan maxaa ninkii odayga ahaa magaca qabaa’ilka afkiisa ku diray.
Jawaab fudud: waa xaqiiqooyinka runta ah ee aynnu ku wada dhaqanno haddana dafirno.
“Sakaaro Saalo La Arkayo Ayay Aastaa.”
Cabikarriim-Xinif.