Madaxweyne Muuse Biixi Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixiyey Su’aallo Laga Weydiiyey Siyaasiyiin Shaaciyey Inay Isu Sharraxayaan Hoggaaminta Xisbul-xaakimka Iyo Shir Ay Mid Ka Mid Ah Beellaha Somaliland Shaacisay Qabanqaabadiisa
“Shirkaas waan soo dhaweynaynaa [Waayo] Somaliland Waxay Ku Caano-maashay In Marka Ay Waxba Garanweydo, Haddii Ay Aniga [Beellahaasi] Wax Iga Qoonsanayaanna Xaq Bey U Leeyihiin Oo Daw Bixiye Ayaan Ahay, Waananu Isu Imanaynaa”
Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay la waydiiyay su’aal ku saabsan qaabka uu dhismaha xukuumaddiisa ugu sargooyey beellaha somaliland iyo Saamiga ay kala heleen beellaha ku dhaqan guud ahaan dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi oo waraysi dheer siiyey Wariye Cabdisalaan Ibraahin Hereri oo ka tirsan UNIVERSALTV ayaa meesha ka saaray in halbeega uu ku qiyaasay saami qaybsiga xukuumadda aanu haba yaraatee u kala sed burin beellaha Somaliland, isla markaana aanu cid gaar ah u badin xilalka iyo mansabyada xukuumadda uu hoggaamiyo. Waxaana isaga oo arrimahas ka hadlaya uu faallada ra’yul caamku ka bixiyey dhismaha xukuumaddii uu soo dhisay oo weriyuhu soo xigtay uu yidhi madaxweynuhu “Waxaan Ka bixinayaa adigu tiriyoo, haddii aanay reeruhu isu miisaanayn dee waa runtaa faaladaasi, haddii ay isu miisaaman yihiina dee tiro ayaaba taala meesha oo waa wax la yaqaano oo la tirinaayo markaa la iskuma haysto beelluhu isuma miisaana tiradaas” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Geesta kale Madaxweynaha Mar la Weydiiyay sida uu arko Shir ay ku baaqeen mid kamid ah beellaha Somaliland [Garxajis] waxa uu xusay in uu soo dhaweynayo “Shirkaas waan soo dhaweynayna, Somaliland waxa ay ku caano maashay marka ay waxba garan waydo way shirtaa oo ay way tashataa wanaag ayaana ka soo baxa. Shirkaasi waa mid nabadeed, waxaanay ka tashanayaan waxa ay qoonsanayaan, haddii ay aniga wax iga qoonsanayaan xaq bay u leeyihiin, waanu wada hadli oo daw bixiye ayaan ahay, hana soo uruuriyaan taladooda waanu isu imanaynaa” ayuu yidhi. Geesta kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay murrashaxiinta shaacinaya inay u tartamayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo xilalka kale ee muhiimka ah gaar ahaan Murrashaxa Madaxweynaha iyo golaha dhexe. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la weydiiyay Murrashaxiinta hada shaacinaya murrashaxnimadooda inay ula muuqdaan qaar deg degaya ayaa ku jawaabay ” Maya, Waa soo dhaweynayaa xaqna wey u leeyihiin, nin walba oo maanta yidhaahda xisbigaan u tartamayaa iyo murrashaxbaan ahay, meelo badan baa lagu tartamaa xisbiga , Guddoomiyahaa lagu tartamaa , Madaxweynenima ayaa maalinta ugu dambaysa lama yidhaahdee lasii qorsheeyaa oo lagu tartami doonaa , Golihii dhexe ayaa lagu tartami doonaa kii fulinta ayaa lagu tartami doonaa. Xisbigu waa doorasho u joog.” ayuu Yidhi Madaxweynaha Somaliland oo u Waramayay Suxufi Cabdisalaan Hereri.