“Xisbinimadu Maaha Xil Iyo Xoollo Ee Waa Xeel-dheeri Aan Lahayn XAjiin Oo Lagu Xaqiijiyo Siyaasadda”

0
267

 

 

Wasiiru Dawlihii hore ee Ganacsiga.  Maxamuud Warsame Jaamac

Hargeysa (Hubaal) – Wasiiru Dawlihii hore ee Ganacsiga md Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay dareenkiisa Xilkii wasiirnimo ee uu hayey in laga qaaday oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Xisbiga Kulmiye ay ku wada abtirsadaan in uu xilkaasi masuul kale u soo magacaabay. Md Maxamuud Warsame Jaamac oo shalay Xilkii Wasiiru dawlenimadda ee Wasaaradda ganacsiga uu ka hayey masuul kale oo xilkaasi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo magacaabay Xaflad xilwareejineed si rasmig ah masuulka cusub xilkii ugu wareejiyey, ayaa halkaasi ka sheegay in dabciga dawladdnimadu tahay in muwaadinka marka madaxweynihiisu xilka qaran u garto loo dhiibo marka qof kale loo gartana uu iska dhiibo isaguna aanu wax dhibaato ah u arag isaga oo Halgankii Xisbul Xaakimka Kulmiye qayb ka ahaa in hadana xilkaasi laga wareejiyo aanu wax xiqdi ama dhibaato ah u arkin ee uu ku faraxsan yahay. Wasiiru Dawle md Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu  mahad balaadhan u Jeediyay Madaxweynii Hore Ee S / land Mudane Axmed maxamed maxamuud ( Siilaanyo ) oo uu ku sifeeyay inuu xaqiijiyay Himiladii Siyaasada Dhalinyarada S / land sidoo kalena uu isaga uu Salaanka Siyaasada soo saaray marka laga soo bilaabo Dabar furkii Doorashadii Golaha Deegaanka oo uu sheegay inuu fursadaaa ka Faa’iidaaystay kana Mid Noqday Golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo 2012 doorashadii Qabsoontay Wuxu wasiiru dawluhu wuxu tilmaamay in 03/04/2016 Madaxweyne md Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo ) u magacaabay Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga. Maxamuud Warsame oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Madaxweyne Axmed maxamed maxamuud ( Siilaanyo ) wuxu ii magacaabay Xilkan Wasiiru Dawlaha ganacsiga iyo maalgashiga ee Aan Maanta Tirinayo Waxaan Ahaa Masuulkii Abid ugu Da’da Yaraa ee xil qaran oo intaa Leeg Qabta S / land iyo Geeska Africa Waa Han iyo Himilo uu hibeeyay Ex Madaxweyne Axmed maxamed maxamuud ( Siilaanyo ) waan uga Mahad celinayaaaa Madaxweynihii Hore waxan ku faraxsan ahay inan mudo xileedkiisii la dhamaysto Waxaan u mahad Naqayaa Dhamaan Shaqaale weynii Aanu ku kulanay shaqooyinkaa si Gaara waxan ugu mahad Naqayaa shaqaalaha wasarada Ganacsiga iyo maalgashiga ee maanta aan halkan ku Sagootinayo Mudadii Aan hayay Xilkan oo ahayd mudo kooban waxa noo Qabsoomay Hawlo horumarineed oo badan Anaga oo is kaashanayna wasiiro iyo Shaqaale waxanu ku Guulaysanay Xeerarki sharci ee ganacsiga iyo horumarinta Adeega liisanka ganacsi Shaqaalaha waxan leeyahay sidii iyo si dhaw ula shaqeeya wasiirka cusub Wasiirka waxan leeyahay waxa kuu jooga Shaqaale khuburo ah oo shaqadan yaqaan” Wasiiru dawlihii hore ee Gaashaandhiga Somaliland waxa uu intaasi ku daray isaga oo xusay in uu Xisbiga Kulmiye ka sii tirsanaan doono waxa uu yidhi “Waxan gaar u bogaadinayaa Agaasimaha Waaaxda Maamulka Ismaaciil Haybe Oo Ah mishiinka Wasarada ganacsiga iyo agaasimayasha kale Waxaan halkan ka cadaaynayaa hadii wax kale layga filayo inaan Ahay xisbigaaygii kulmiye Ahaana doono Xisbinimadu waa Xeel-dheeri lagu xaqiijiyo siyaasada mana laha Xajiin Mabda’a Ayaa ka mudan mansabka Ana Mabda bn ku dhisayay xisbigayga kulmiye iyo madaxweyne muuse Biixi cabdi Waxan diyaar u ahay inaan maanta weynu guulaysanee Aan mudo xileedka labaad ee kulmiye iyo madaxweyne muuse Biixi cabdi Dhisi doono oo aan Garab joogayo Ugu danbayn waxan bogaadinayaa Wasiirka Cusub Ee maanta Xilkan weyn ee sadexda wasaaradood la wareegaya iyo wasiirada kale waan la shaqaaynayaa waxaan u rajynaynaa in rabi xilalka ku Asturo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaan ku Hambalyaaynayaa Xukuumada cusub”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here