Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI Oo Sheegay Inay Sharci-darro tahay In Diiwaangelinta Madaniga ahi si rasmi ah u bilaabanto iyadoon la ansixin Xeerkeeda

0
22

Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI Maxay ka yidhaahdeen Xeerka diiwaangelinta ee Guurtidu sheegtay in loo gudbiyey Nuqul aan kii Wakiilladu ansixiyeen ahayn?

“Maaha Mucaarad iyo Muxaafid baa sameeyey ee qofkii sameeyey ee baadhista marka la sameeyo ay ku caddaato inuu qaladkaa galay, isagaa dembiile ah ee hallagu qaado…Diiwaangelinta socotaa weli waa tijaabo….Haddii sidaa lagu bilaabay-na…” Jaamac-Shabeel

“Weli Gole ahaan jawaab Sharci oo ka soo noqotay Guurtida namay soo gaadhin, markay na soo gaadhana si sharci ah baannu isula eegi oo uga jawaabi doonnaa…” Xildhibaan Ibraahin Buubaa
xisbiyada
Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa isku raacay inay sharci-darro tahay in diiwaangelinta Madaniga ah si rasmi ah ay u bilawday Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyadoo aanu illaa hadda ansax noqon Xeerka diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Ta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinku oo uu weli Golayaasha Sharci-dejinta la yaallo.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, oo labadoodaba uu Khadka Taleefanka ku waraystay Xalay Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inaanay Sharci ahayn in la yidhaahdo diiwaangelintu si rasmi ah ayay u bilaabantay, maaddaama oo aan weli la ansixin Sharcigii lagu hagi lahaa marka loo eego Sharciyan-na ay tahay in Mashruuc sidan oo kale ah marka dalka laga bilaabayo uu dhammaystirnaado Xeerka lagu hagayayo ama lagu qabanayaa.
Xildhibaan Buubaa oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey aragtidooda Xisbi ahaan la xidhiidha socoshada diiwaangelinta iyo in Xeerkeedii mad-madaw iyo Muran hadda ka bilaabmay waxa uu yidhi; “Hore ayaannu Xisbi ahaan mawqifkayga taas la xidhiidha u caddaynay, waxa weeye in diiwaangelinta Sharcigeeda la helo intaan la bilaabin ka hor, waayo? Wax walba waxa ka horreeya Sharciga lagu hagayo ee qeexaya ama caddaynaya qaabka waxan loo qabanayo, nidaamka ay marayso iyo muhiimadda ay leedahay in Sharcigu caddeeyo, dabadeedna lagu dabbaqo. Markaa, hadda annagu Xisbi ahaan sidii aannu hore u sheegnay qaabka ay u socoto diiwaangelinta Madaniga ahi uma aragno inuu yahay qaab sharci ah, ee waxaannu u aragnaa wax cidi iska wadato, dadkuna inta badan aanay fahansanayn.”
“Qolada Xukuumaddu iyagaa la Habsaamay, oo waxan kala horraysiinta ugu talo-galay. In la helo Sharciga ansaxa ah ee waxan iyo sida loo galaya caddaynaya, oo qofka is-diiwaangelinaya Shuruudaha laga rabo ee waajibka ku ah, qaladka qofka ka gala waxa lagu qabanayo iyo sax ahaanshaha iyo guud ahaan waxaas oo dhami waxay ahayd inay ahaadaan wax cad oo Xeerku caddaynayo, marka uu Xeerku dhaqan-gal noqdo ee ay Sharci yeelato ka dibna si rasmi ah loo bilaabo. Laakiin, sidani waa jaan-taa rogon Sharci iyo Sharci la’aan la iska wadayo sida innoo muuqata, wax sharci la’aan lagu wadana waxaannu u aragnaa fawdo,” ayuu yidhi Md Ibraahim Mahdi.
gudoomiyaha-guddida-joogtada-Ibrahim-buubaa1Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo la weydiiyey in diiwaangelinta Madaniga ah goobaha laga galayo ee dadka laga diiwaangelinayo ay ka mid tahay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, sidaa awgeed-na inuu Ibraahin ahaan ka mid yahay ama ku jiro Xildhibaanno badan oo iska diiwaangeliyey labadii toddobaad ee u dambeeyey labada goobood ee Baarlamaanka iyo in kale waxa uu ku jawaabay; “Waa Qalad iyo waxaan sharciga waafaqsanayn, Xildhibaanka isu diiwaangeliyey-na uma arko inuu sife sharci ah isu diiwaangeliyey, waa sifo sharci-darro ah, Aniguna ismaan diiwaangelin, laakiin markay Sharci noqoto waa igu waajib inaan is-diiwaangeliyaa, qof kasta oo muwaaddin ahna waa ku waajib markaas, laakiin inta aanay sharci yeelan maba aha sharci in la is-diiwaangeliyaa.”
“Annagu dadka odhan mayno ha is-diiwaangelinnina ee ka jooga, balse waxaannu caddaynaynaa qof walibana arkayaa inaanay diiwaangelinta socotaa sharci ahayn, waayo waxaan sharci ansaxay lagu hirgelinayniniba waa Sharci-darro. Sidaynu ognahayna dadka wax kaadhadh ah lamaba siinayo hadda oo qofka la diiwaangeliyo warqad baa la siinayaa la leeyahay marka kaadh bixinitu bilaabanto goobtii uu iska diiwaangeliyey ayuu qof kastaa warqadda la tegayaa oo uu kaadhka ka qaadanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.
Waxaanu Afhayeenka WADDANI Ibraahin Mahdi Buubbaa oo sii wata jawaabta su’aashaas uu ka bixiyey intaas ku daray oo yidhi; “Markay sidaas tahay waxaan odhan lahaa maxaa dadka laga luggonaynayaa ee labada jeer Kuyuuga laga gelinayaa maa marka dambe ee kaadhadhka la bixinayo, waxanina sharci noqoto uun dadka si rasmi ah loogu bilaabo diiwaangelinta, taas ayaanan soo jeedin lahaa. Midda kale, December 2014 inay dhammaato weeye diiwaangelinta Madaniga ahi, laakiin Xeerku wuxu mar labaad jidaynayaa in labada Kaadhba mar la wada siiyo cidda aan ka kaadhka Muwaaddinnimada qaadan, markaa dadka yaan kolba kuyuu inay galaan lagu wareerin ee in waxan la isla sugo inta sharcigu ka dhaqan-galayo weeye.”
Mar uu ka jawaabayey Xildhibaan Buubaa sida uu u arko ama ay Xisbi ahaan u arkaan in Xeerka diiwaangelinta oo qorshuhu ahaa in la dedejiyo si aan wakhtigu isu riixin, dib u dhacna ugu iman diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka toona, haddana inuu labada Gole ee Baarlamaanka ku dhex-meeraysto oo wakhti badani dhexdooda ku lulmo, waxa uu yidhi; “Anigu uma arko sharci waxan immika dadka lagu mashquulinayo, maxaa-yeelay Waatan kolba sam-attach ama Is-baarada loo dhigayo Xeerkii aannu ansixinnay. Ta aad leedahay Xildhibaanno ayaa u gudbiyey Guurtida dacwad sheegaysa inaanu nuqulka loo gudbiyey kii aannu ansixinnay ahayn, annagu hadalka Warbaahinta laga yidhi raaci mayno ee Golayaashu si sharci ah bay u wada shaqeeyaan, si sharci ah bay u wadahadlaan, si sharci ah bay wax isugu gudbiyaan, si sharci ah bay isugu jawaabaan. Markaa, weli Gole ahaan jawaab Sharci oo ka soo noqotay Guurtida namay soo gaadhin, markay na soo gaadhana si sharci ah baannu isula eegi oo uga jawaabi doonnaa.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo Sharci-yaqaanna ah, ayaa wariyaha Himilo wax ka weydiiyey sida uu u arko Sharci ahaan marka uu u eego Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashada ee Guurtidu sheegeen inaan Golaha Wakiilladu u gudbin Koobbiga Nuqulkii Xeerka ee ay aqlabiyadda ku ansixiyeen, balse Wakiilladu u gudbiyeen Nuqul kale, sidaa awgeed-na ay u hakiyeen, waxa uu ku jawaabay; “Taasi arrimo hore u dhacay maaha, waa markii u horreysay ee aynu arrinkaas (Koobbiyo is-khilaafsan baa la soo gudbiyey) maqalno, waxaanay u baahan tahay in la isla xaqiijiyo oo inay qalad tahay, inay sax tahay, halka ay wax ka qaldameen, siday u qaldameen oo baadhis lagu sameeyo.”
Jaamac-Shabeel oo ka jawaabayey su’aal laga sii weydiiyey inuu jiro Sharci ama Xeer haddiiba arrtan Guurtidu sheegtay dhacdo waxa la yeelayo qeexitaan ku samaynaya iyo in kale, waxa uu yidhi; “Golaha Baarlamaanku waa awood madax-bannaan, Go’aamadda uu u codeeyaana waa Sharci, kollay labada Gole sharciyan waxay kaga xaalaan arrintan oo kale way jiraan oo Xeer-hoosaadyo gaar-gaar ah iyo mid dhexdooda ahba way leeyihiin Guurtida iyo Wakiilladu. Laakiin, Cidda gudbisay haddii qalad ku jiro iyo siday u gudbisay waa in baadhis lagu sameeyo oo la xaqiijiyo, ka dibna markaas baa la kala ogaan karaa waxa meesha ku jira iyo siday u dhaceen.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel oo aanu weydiiney inay jiraan in Mucaaradka qaarkood u arkaan in Xildhibaannada Guurtida dacwadda u gudbiyey ay yihiin Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha KULMIYE ee Wakiillada iyo Mudanayaal Guurtida ah oo taageera Xukuumadda iyo Xisbigeeda, waxa uu kaga jawaabayo waxa uu yidhi; “Waa eed jilicsan taasi, Guurtida waakii Guddoomiye Ku-xigeenku caddeeyey in Koobbiga Xeerka la ansixiyey iyo Koobbiga Xeerka loo gudbiyey kala laba yihiin, Guddoomiyaha Guurtiduna qoraalkiisa TV-ga aan ka maqlayey uu ku sheegayo. Laakiin, marka baadhitaan buuxa lagu sameeyo ee la ogaado in Xildhibaannadu ujeeddo lahaayeen ee waxa la Xeerka la gudbiyey yahay Nuqulkii saxda ahaa ee Wakiilladu ansixiyeen ama lo ogaado inaanu ahayn ee uu qaldan yahay, markaas ayay Mucaaradka la gudboon tahay inay tan yidhaahdaan. Haddii la helana waa dembi ay galeen oo iyagay ku foorarsanaysaa ciddii gudbisay-ba, marka natiijada baadhista la galo haddii la waayo dee waaba la waayay, haddii la helana la helay.”
“Waa arrin farsamo ee waa in la baadho oo la eego waxa ay Xildhibaannadu ka hadlayaan, Xeerkuna dariiq buu maraa, haddii rasmi loo baadhana waxan oo dhan waa la wada-heli karaa. Xataa kuwa dacwadda gudbiyey laftoodaa ayaa qalad wax u fahmi kara, runtood bay ahaan kartaa, markaa waa in la isla hubiyaa, haddii ay run noqoto oo cidda waxan samaysay la ogaado dembi bay noqonaysaa. Markaa, intaan cid la eedaynin waa in la isla hubiyaa. Maaha Mucaarad iyo Muxaafid baa sameeyey ee qofkii sameeyey ee baadhista marka la sameeyo ay ku caddaato inuu qaladkaa galay, isagaa dembiile ah ee hallagu qaado, Mucaarad iyo Muxaafid ka uu doonana ha ahaadee waa dembiile saacadda lagu caddeeyo inuu si badheedh ah arrinkaas u sameeyey.” Sidaa ayuu yidih Guddoomiyaha Golaha dhexee Xisbil-xaakimka KULMIYE.
Jaamac-Shabeel oo la weydiiyey in diiwaangelinta Madaniga ahi ka bilaabantay dalka, isla markaana aanu Xeerkeeda oo ay ahayd inuu isagoo la ansixiyey diiwaangelinta la bilaabo, immikana uu u muuqdo halkii ay ahayd in laga dedejiyo hirgelintiisa in Baarlamaanku isku cel-celiyo bilaabantay, sidaa awgeed diiwaangelintan la iska bilaabay KULMIYE ma sharci buu u arkaa mise sharci-darro? Waxa uu kaga jawaabay; “Waxa la bilaabayaa waxa fiican inuu Sharci yahay oo Sharcigiisa la hayaa, Wasaaradda arrimaha guduhu waxay tidhi Tijaabo ayaannu idinka qaadaynaa inta Xeerku hannaanka u degsan ee Golayaasha iyo Madaxweynaha marayo ee la ansixinayo. Tijaabo ayaannu uga bilawnay buu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu oo Hargeysa ayaa tijaabada laga bilaabayaa, waayo? Waddanka oo dhan kamay wada bilaabmin ee waa Hargeysa oo keliya, marka Mashruuc cusub la fulinayana waxa habboon intaan rasmi loo bilaabin ka hor in la tijaabiyo oo heerka laga doonayo inuu gaadhsiisan yahay iyo in wax ka dhiman yihiin la iska ogaado, si hadday cillado soo baxaan intaan la bilaabin wax looga qaban karo. Markaa, diiwaangelinta Hargeysa ka socotaa waa tijaabadaas.”
Sidoo kale, Jaamac-Shabeel oo aan sii weydiiyey in ay 23 Maalmood socoto diiwaangelintu hadda, tijaabaduna maalmo kooban illaa toddobaad noqon karto, Wasiirkuna uu caddeeyey inay bilaabantay diiwaangelintu oo ay waajib tahay in Muwaaddiniintu tagaan goobaha diiwaangelintu ka socoto, markaa siday tijaabo u noqon kartaa, miyaanay sharci-darro cad ahayn? Waxaanu yidhi; “Sharci maba noqon karto illaa Sharci ay yeelato. Waxaanannu u aragnaa inaanay weli bilaabmin diiwaangelintu ee ay tijaabo tahay. Tijaabadana waxa lagu saxaa wixii cillad ah ee goor-dhow iman lahaa. Berigii hore ee diiwaangelintii 2009 waxa inna wareeriyey Server (Mishiinka kala shaandhaynta la-diiwaangeliyeyaasha) aan waxba kala reebaynin, Server-kanna haddaan tiro badan lagu tijaabin si sax ah looma wada ogaan karo inuu wax kala reebayo iyo in kale, markaa kaas dhibkii iyo murankii aynu kala kulannay in lagu hubinayo diiwaangelintan ayaannu u fahansannahay.”
“Laakiin, in tijaabadii uu Wasiirku bilawgii ku sheegay in Hargeysa laga bilaabay inuu yidhaahdo waa Sharci ee dadka oo dhan is-diiwaangeliya way bilaabantaye, taasi sharci maaha, waayo? Sharcinnimadeeda waxa ka horreeya in Sharcigeedu ansaxo oo wixii oo sharci cad leh la bilaabo,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

xigasho: Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here