Xildhibaan Maxamed Jaamac oo Eeda Dib-u-dhaca doorashooyinka Dusha U Saaray Xisbiyadda Mucaaradka
Hargaysa (Hubaal) Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku ee deeyay Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID in ay keeneen Khilaafka iyo dib u dhaca Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanada dalka.
Maxamed Jaamac Cabdi oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ka go,antahay in la qabto Doorashooyinka,hase yeeshee dhinaca Xisbiyadda Mucaaradka ay caqabad ku noqdeen Qabsoomida doorashooyinka labo sanno ay diidanaayeen Koomshankii Doorashooyinka ee kala dameeyay.
Maxamed Jaamac Cabdi oo Arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi; “Waxa dib u riday arinta Doorashooyinka Xisbiyadda Mucaaradka, Madaxweynuhu markii uu talada qabtay waxa u bilaabay in suura gasho qabashada Doorashooyinka laakiin Xisbiyadda Mucaaradka ayaa yidhi Koomishanka Doorashooyinka dooni mayno labo sanno ayaa ku lumay Koomashankii Doorshooyinka ee kale waxa ay yidhaahdeen dooni mayno. Dastuurka ayaana jideeyay in Golaha Wakiilada fadhiyaan inta gole kale la dooranayo markaa muranka Siyaasiga ah ee jiraa waxa uu ka yimid dhinaca Xisbiyadda Mucaaradka,waxaana ay keentay in Shacbigii ka qanceen Xisbiyadii Mucaaradka taaas ayaa keentay in Shacbigii ku farxaan in la furo Ururadii Siyaasada Doorashadii waa Qabsoomaysaa Koomishanka Doorashooyinka majooratigii ayaa jooga labo Xubnood ayaa ka maqan.kala saarista Ururada Siyaasada waxa qabanaya Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qranka,”.
Xildhibaanku ayaa waxa Sheegay in Xisbiyadda Mucaaradku iska indho tireen sidii Shacabka Somaliland usoo dhaweeyeen Furista Ururada Siyaasada.waxaana uu yidhi“Waxa ay dhinac mareen Xisbiyadda Mucaaradka sidii Jamaahiirta Somaliland usoo dhaweeyeen furista Ururada Siyaasada ee Madaxweynuhu Sheegay oo aan lagu kala hadhin soo dhawaynta Ururada Bari iyo Galbeed si dhamaystiran ayuu shacabku usoo dhaweeyay,sidaa daraadeed may qiimayn Xisbiyadda Mucaaradka rabi taankii Shacabka muddo xileedadu waxa ay u qaybsamaan labo mid Dastuuriya iyo kuwo Xeer jideeyay wixii Dastuuriya waa lamo Taabtaan Muddo Xileedka Madaxweynaha Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayaa ka mida muddo xileedkoodu waxa ay ku Cayimantay Dastuurka.wax ka badal kooduna waxa ay u baahantahay afti dadweyne muddo Xileedka Xisbiyadda xeer 14 ayaa jideeyay waxaana uu leeyahay tobankii sanno marbaa la furaya Ururrada Siyaasada Dastuuri maaha oo Madaxweynuhu wax ka badal ayuu ku Samayn karaa Golayaasha Qaranka wax badal waa ku samayn karaan,”.
Sidoo kale Xildhibaanku ayaa waxa uu Sheegay in Urur Siyaasadeed ay furan doonaan.waxaana uu yidhi.”Waxa aanu diyaar u nahay in aanu furano urur oo cid soo Sharaxno Somaliland abaal ayaanu ku leenahay intaaba waanu codaynay oo waanu Taageeraynay,”.