Hargeysa, (Hubaal) – Xisbiyada Soamliland ayaa kulan degdeg ah yeeshay maanta kadib markii ay shalay galab kulan la qaateen wefti ka socda Midawga Yurub oo dalka yimid.
Illo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Telefishanka HCTV oo aanu warkan kasoo xiganay, ayaa sheegay, inay ka dalbadeen in xisbiyada Somaliland ay heshiis rasmi ah ka gaadhaan muranka ka taagan doorashada Wakiilada iyo Deegaanka iyo Arimaha Komishanka Doorashooyinka, hadii kale ay ka tashanayaan qaadhaanka ay siiyaan Somaliland.