“Xisbiyada waxa loo sameeyay in lagaga baxo qabyaalada” Suldaan Xiirey

0
28

Hargeysa(Hubaal) Af-hayeenka dhaqanka Somaliland Suldaan Xiirey ayaa ka hadlay hadaladii warbaahinta la mariyey ee guddida Horumarinta beesha Sacad Muuse ka sheegtay inay kala saareen siyaasiyoontooda ugu jira xisbiga Kulmiye, Suldaan Xiirey oo ka hadlaya arrinta ayaa yidhi “Waxaan doonayaa in aan maanata ka hadlo oo aan ka idhaa laba kalmadood arinta asxaabta ama siyaasada xisbiyada,waxa jiray arin odayaal reer hargeysa ahi ay yidhdeen waxaanu kala reebaynaa musharaxa xisbiga kulmiye.

 suldaan xiirey

Waxaan leeyahay bulshada somaliland gude iyo dibadba anuu waxaan u arkaa in arinkani yahay mid qabyaalad ah waayo xisbiyada waxa loo samaystay in lagag baxo qabyaalada,ooy noqoto meel qof kasta oo qaranka somaliland ah mid jooga bari ilaa galbeed la wada leeyahay .

Markay sidaa tahay waxa aan leeyahay musharax kulmiye waxa soo dooranay golaha dhexe ee maah meel hab qabiil lugu soo doorto,marwalba waxaan leeyahay markaa anoo ku hadlaya afka dhaqanka Somaliland waa inaga mamnuuc in aan si qabyaaladaysan aan ku soo xulano musharaxyada xisbiyada Somaliland,taasna waxaan u dhaafayaa in ay sida cadaalada ah ay u soo kala saaraan golaha dhexe ee Xisbiga” ayuu yidhi suldaan xiirey

Geesta kale sulaadan xiiray waxa uu baaq nabadeed u diray suldaan wabar oo isagu sheegay in uu ka goostay Somaliland “waxaan leeyahay sulaadan wabar oo aan horana ula hadlay in uu qaaro gogal nabadeed waayo waxa lugu dhamayin karaa wada hadal iyo is afgarad,colaad waxab luguma helo suldaan ayaan ku leeyahay oo qaado gogasha nabada .

Dhanka dowladana waxaan leeyahay ciidan meel la dhoobaa waxba ma taraan ee howshan waxa ku jira madax dhaqmeed ee iyaga u daa in ay iyagu soo dhameeyaan .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here