Xisbiyada & Xukuumaddu Maxay ka yidhaahdeen Sababta loo Joojiyey Furashada Dugsiyada gaarka ah?

0
15

Mucaaridka Oo Ka Deyriyey Dugsiyada Dawladu Maamusho+Wasiirka Waxbarashada Oo Difaavay Tayada Waxbarasho Iskuullada Dawliga Ah

“Annagu Waxaanu Doonaynaa In Ay Ogolaadaan Inay Ku Shaqeeyaan Siyaasadda Dawladda   Iyo Xeer Nidaamiyaha Loo Sameeyey”

Hargeysa(Hubaal):- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa sheegay inay hoos u dhacday tayada Waxbarashada Somaliland guud ahaan, gaar ahaan Dugsiyada ay dowladuhu maamusho, iyaga oo ku dooday inay marba marka ka dambaysa ay hoos u sii dhacayso, halka ay Waxbarashada dugsiyada gaarka ahi ay ka dhawdahay Iskuullada dowladda. Hase-yeeshee, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Cismaan Aadan Jaamac, ayaa difaacay tayada waxbarashada dalka, waxaanu ka warramay sababta loo joojiyey in Dugsiyo gaar ah hadda la furan karin, sida uu ku mamnuucay Wareegto, kuwaas oo uu tilmaamay inay kuwii hore u jiray dabiqi waayeen Manhanka Waxbarasho ee Somaliland, sidaa awgeedna ay u joojiyeen. Warbixin ku saabsan arrintaas oo uu diyaariyey Weriye Maxamed-amiin Xuseen Ibraahin oo ka tirsan Somnewstv, ayaa waraysiyo kala duwan la yeeshay Masuuliyiin labada Xisbi ee UCID iyo Waddani ka tirsan iyo weliba Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo arrimahaas tayada waxbarashada faaqiday.

Ugu horeyn xoghayaha xidhiidhka gobollada ee xisbiga mucaaridka ah ee UCId Cabdiqani Ibraahim Selef oo arrinkan ka hadlayaa waxaa uu yidhi “tayadeena waxbarasho ee dugsiyada dawladu way iska muuqataa halka manta ay marayso, dadkeena danyarta ahna iskuulladii dawladda waa looga soo yaacay, markii dadkii ladnaa ay caruurtooda dugsiyo gaar ah geeyeen, sidaas darteed waxay u baahan tahay manta waxbarashu in laga saaro GAP u dhexeeya oo qofkasta oo muwaadin ahi helo waxbarasho tayo leh”. Sidaas ayuu  yidhi Cabdiqani Selef.

Sidaasi si lamid  ah Yoonis Axmed Yoonis, xoghayaha dhalinyarada ee xisbiga WADDANI ayaa isaguna arrintan ka hadlay waxaana uu yidhi  “iyadoo ku dhawaad 30 sano ay Somaliland nabad iyo caano ku naaloonayso ayaa hadana waxa muuqata in maalinba maalinta ka dambaysa ay hoos u sii dhacayso tayadii waxbarasho ee dugsiyada dawladda halka ay dugsiyada gaarka ahi ay dadkii lahaayeen kor u sii kacayso. Arrinta kale ee dugsiyada dawlada u dheeri waxa weeye in dugsiyadii dawladda la boobayo dhulkoodii iyo dayrarkoodii ooiskuulladii waxaad moodaa in ay yool [target] gooniya yihiin”. Ayuu yidhixoghayaha dhalinyarada wadani.

Geesta kale wasiirka wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee xukuumadda Somaliland Cismaan Aadan Jaamac, ayaa difaacay tayada waxbarasho ee dugsiyada dawliga ah iyo eedaha ay mucaaridku u soo jeediyeen, waxaana isaga oo arrintaas deedifaynaya uu yidhi wasiir Cismaan Aadan Jaamac, “eedahaas [mucaaridku] waxba kama jiraan, mana qiimayn karaan tayada waxbarasho ee dugsiyada, waayo aqoon u ma laha, mida kale marka ay leeyihin wasaaradda dad aqoon u leh waxbarashadu ma joogaan maxaa ay ku qiimaynayaan, ma cilmi baadhis bay ku sameeyeen oo way baadheen, waxaan odhan karaa waa hadal la iska yidhi. Wasaarada dadka joogaa waa xirfadlayaal [professional] shaqada ay hayaan yaqaana”.sidaas ayuuyidhi wasiirka waxbarashada iyo sayniska JSL Cismaan Aadan Jaamac, waxana uu intaa kuladhay mar la waydiiyey sababta uu u cuskaday wareegtadii uu dhawaan ka soo saaray dugsiyada gaarka loo leeyahay  oo laga mamnuucay in rusqad dambe la siiyo dugsiyada gaarka ah ee laga furanayo dalka, waxaana uu sheegay wasiirku in dugsiyadu ay lid ku noqdeen manhajka waxbarasho ee qaranka u yaalla “dugsiyada gaarka loo leeyahay meel walba waa laga furtay iyaga oo aan ku soconin siyaasadda dawladdu ugu talo gashay manhajka waxbarasho ee qaranka isla markaana xeerka waxbarashada ee dawladdu qaadatay ayay baal mareen, laakiin annagu waxaanu doonaynaa in meel la isugu wada yimaado oo ay ogolaadaan inay ku shaqeeyaan siyaasadda dawladdu ay waxbarashada ka leedahay iyo xeer nidaamiyaha loo sameeyey”. Ayuu wasiirku yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here