Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo Wada-hadallo La Furay Garabka Toosinta Iyo Caddaaladda Ee Uu Axmed Muumin Seed Hoggaamiye

0
37

seedbiixi

Hargaysa 🙁 Hubaal)-Waxa maanta magaalada Hargeysa si rasmi ah uga furmay wada-hadallo u dhexeeya xisbul-xaakimka KULMIYE iyo garabka toosinta iyo caddaaladda ee kasoo go’ay xisbiga WADDANI, kaas oo uu hoggaamiyo guddoomiye-ku-xigeeenkii koowaad ee xsibigaas Md. Axmed Muumin Seed.

Kulankan oo ujeeddadiisu tahay sidii labada dhinac u wada aasaasi lahaayeen jawi is af-garad oo ay ku midoobi karaan, isla-markaana isku gaashaan-buuraysan karaan, ayaa bar-bilow u noqon doono wada—xaajood maalmo socon doona oo ay dhinacyadu iskugu soo dhawaanayaan.

Ugu horrayn xog-hayaha guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo isagu kelmado kooban ka jeediyey madashii ay wada-hadalladu ka furmeen, ayaa hoosta ka xarriiqay inay wada-hadalladu bilow yihiin, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Maanta waxa noo Bilaabmay wada hadal xisbiga kulmiye iyo garabka cadaalada ee xisbiga WADDAI ee uu hogaaminayo Axmed Muumin Seed wada hadalkiina maanta si wanaagsan ayuu noogu dhamaaday kulankayaga dambena waxa uu noqonayaa maalinta isiniinta ee soo socota,waxaanan rajaynaynaa inaanu is af garad wanaagsan gaadhno.”

Maxamed Abiib oo ah xog-hayihii siyaasadda ee xisbiga WADDANI, haatan katirsan garabka uu hoggaamiye Axmed Muumin Seed oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa rajo fiican ka muujiyey wada-hadallada, waxana uu sheegay inuu horumar iyo is af-garasho rajaynayo, waxana uu yidhi,“Runtii wada hadalkaasi maanta ayuu furmay,waxaanan rajaynaynaa in maalinta isiniinta ah ee inagu soo fooda leh inuu kulankiisii 1aad uu qabsoomo,waxaanan rajaynaynaa inuu geedi socod fiican uu ku socon doono.”

Wada-hadallada u bilaabmay xisbul-xaakimka KULMIYE iyo garabka toosinta iyo caddaaladda ee uu hoggaamiye Axmed Muumin Seed, ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxana inta badan shacabka reer Somaliland dhawrayaan qodobada lagu heshiin doono iyo weliba qaabka labada dhinac iskaga kaashan doonaan cududooda siyaasadeed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here