Xog-haya Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Magacaabay Ku-xigeenka Ergeyga U Qaabilsan Soomaaliya

0
34

Washington(Hubaal):-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Mr Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimababwe inuu noqdo Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Mr Raisedon Zenenga ayaa horay uga soo shaqeeyay howl-galka Qaramada Midoobey ee Koofurta Sudan,waxaana uu bedelayaa Haweeneyda lagu magacaabo Fatiha Serour oo u dhalatay dalka Algeria.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in Mr Ban uu arkay howl karnimadiisa, sidaas darteed uu Mr Zenenga u magacaabay ku-xigeenka Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr Zenenga ayaa ka soo shaqeeyay xarunta Qaramada Midoobey ee New York mudo 10 sano ah, wuxuuna sidoo kale ka qeyb qaatay howlgalo nabad ilaalineed oo ay Qaramada Midoobey kasameesay Africa.

kuxigeenka ban ki moon Nicholas Kay oo ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa xafiiskiisa waxaa uu yahay Garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane.

Hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here