Xog-hayaha Guud Ee KULMIYE Oo Fasiray Ajandaha Kulan Uu Goob-joog Ka Ahaa Oo Uu Sheegay In Ujeeddadiisa La Dhalan-rogay

0
33

GUDAHA KA AKHRI: Nuxurka War-saxaafadeed Uu Xasan Siciid  Kaga Hadlay Hadhimo Wadatashi Ahayd Oo Ay Salaadiinta Beeshiisu Fidisay Khamiistii

 

Hargeysa (Hubaal)-Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa si adag u beeniyey jiritaanka shir ay xubnaha golaha dhexe ugu jira mid kamid ah beellaha gobolka Hawd ay ku yeesheen Hargeysa oo  ay ku taageereen musharraxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe.

Xoghayaha Guud ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE, Mr. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa beeniyay warkaas sheegaya in ergadda golaha dhexe kaga jirta beelaha Arab ay isku raaceen inay taageeradooda siiyaan Murrashax Axmed Cabdi Kijaandhe. Xoghayaha Guud ee KULMIYE oo muuqaallo sawirro ah oo ay shabakadda Hadhwanaagnews daabacday shalay ay ku sheegtay in ergooyinka beeshaasi ay shir isugu yimaadeen ku barbar istaageen Musharrax Kijaandhe ayaa si adag u beeniyey isaga oo war saxaafadeed uu ku saxeexan yahay oo uu xalay soo saaray ku sheegay in shabakaddu dhalan rogtay ujeedadii shirkaas iyo ajandihii uu xambaarsanaa. Warsaxaafadeedka Xasan Siciid Oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:Xogyaha-kulmiye-Xasan-siciid-3-238x300

“Anigoo ah Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, kana tirsan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ee beesha Arab, waxaan halkan ku beeninayaa war been abuur ah oo ay qortay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, kana xigteen warbaahin kale, warkaas oo ay ku sheegtay in xubnaha golaha dhexe ee beesha Arab ay si buuxda isugu raaceen taageerada murrashaxa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe kadib shir ay isugu yimaadeen khamiistii. Haddaba, waxaan caddaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaasi oo uu yahay mid been abuur ah. Waxa jiray shir casuumad qado ahaa oo ay qabteen salaadiinta beesha Arab, kaas oo aan habayaraatee cid lagu taageeray iyo cid lagu diiday toona aanay jirin, waxaanna shirku isku raacay in xubnaha golaha dhexe ee beesha ugu jira KULMIYE ay gaar isku arkaan oo ay ka wadatashadaan arrimahooda xisbinimo.  Sidaa darteed, xubnaha golaha dhexe waxay yeelan doonaan wadahadallo iyo wadatashiyo gaar ah, isla markaana waxay si dhakhso ah uga soo saari doonaan is-afgarad ay ka gaadhaan danahooda.  Waxaan uga digayaa warbaahinta inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah ee aan waafaqsanayn anshaxa iyo dheeltirka wareed, iskana horkeenaya bulshada.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here