Hargaysa(Hubaal) Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo shalay Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa ku tilmaamay in Madaxtooyada looga soo dhiibay hadalkii Xildhibaan Indho Indho Salaasadii lasoo dhaafay uu warbaahinta qaar Ka mida siiyey, kaasi oo uu kaga hadlaayey Muddo kordhin loo sameeyo xukuumada wakhtigeedu dhamaadka yahay, waxaanu xoghayuhu uga quus gooyey xukuumada in dalkan mudo kordhin ay ka dhacdo, isagoo tilmaamay in aanay jirin xaallad muddo kordhin loo sameeyaa.
Maxamed Uur-Cadde waxa uu iftiimiyay in WADDANI ahaan aanay diyaar u ahayn muddo kordhin laga sameeyo dalka, isla markaana ay diyaar u yihiin in doorashada wakhtigeedii la qabto, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi ”Ka Xisbi ahaan Waxaanu qabnaa, horta Salaadda iyo muddo kordhintu wax isku xidhan maaha oo Salaadda Illaahay waajibiyey iyo wax bina’aadan sameeyey wax laysku xidho maaha, aad baan ugax xunahay eraygaa hadii la isticmaalay”.
Mar wax laga weydiiyey Muddo kordhina carrabka muxaafidka ku badatay sida ay u arkaan WADDANI ahaan, Uur-Cadde wuxuu yidhi “Annagu runtii muddo kordhin aan arkaynaa ma jirto, muddo kordhin inay dalkan ka dhacdo aan diyaar u nahayna ma jirto, Haddii aanay duruufta uu Distoorku xaddiday aanay iman, taana waa la yaqaanaa oo waa Aafooyin iyo wixii la mid ah waa wax inaga inaga awood badan, taas duruufta ayaa tidhi oo waa lagu wada qasban yahay hadii ay timaado oo dastuurkeenaaba jiddeeyey, laakiin nin xilkiisii ka soo bixi waayey in lagu abaal mariyo waxaanu aqbalayno maaha, wax waddankani diyaar u yahayna maaha, waxaanu jecelnahay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto hal cisho aan lagu darin”.
xigasho: Somalilandtoday