Xog-hayihii Xanaanada Xoolaha Ee Xisbiga Waddani Oo muddo Bil iyo dheeraad kadib Xabsiga Laga Sii Daayay

0
34

Ciidanka Boliiska ayaa xabsiga dhigay sarkaalkan 30-kii bishii Oktoobar ee sanadkan

Hargeysa (Hubaal) – Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Mudane, Xasan Goodaad ayaa xabsiga laga sii daayay.

Xasan Goodaad ayaa xabsiga loo taxaabay 30-kii bishii Octobar ee sanadkan, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u hanjabay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, kaas oo uu ku eedayanayay in uu ka dambeeyo khilaafka golaha wakiilada Somaliland.

Dhawr jeer ayaa la hor keenay maxakamada, waxaana loo tiriyay eedaha loo haysto, hasayeeshee Md:Xasan Goodaad ayaa isagu beeniyay.

sarkaalka waddaniXisbiyada Mucaaradka Ah ee Wadani, UCID iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa cambaareeyay xadhiga Xoghayaha, waxaanay ku tilmaameen in uu yahay aan sharciga waafaqsnayn.

Si kastaba ha ahaatee xoghayaha ayaa la sii daayay shalay, sidaasna waxa shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyay ilo wareedyo u dhuun daloola.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here