Xog Iftiimisay Ujeeddadii Xirsi Ka Lahaa Murankii Xil. Iid Ku Dhex Maray Gabiley..W/Q: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
Xog Ku Saabsan Ujeedooyinkuu Xirsi Ka Lahaa Murankii Gabiley Ku Dhex Maray Xildhibaanka Xisbiga WADDANI Ugu Jira Golaha Deegaanka Gabiley
Bulshada G/Gabiley Madax Iyo Mijo Waxay Xurmo Iyo Qadarin U Hayaan Dhamaan Bulshada Iyo Madaxda Dalka S/land Bari Iyo Galbeed, Mucaarid Iyo Muxaafidba.
Durba fiiro dheeruhu
Durki fahanka sheekada
Dabadeedna xaajada
Dib u eegistuu waday
Isagoo digniin waday
Dibindaabyo loo dhigay
Ka dabaalay gabigood
La dardaaran shacabkii
Talo daawo noqotoo
Isku duubni keentoo
Qof kastoo dareenloo
Damiirkiisu noolyahay
Qaranimo u dayr tahay
Marna aanu diidayn
Maqalkooga deeqsii
Maansadii Daalacan Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle 10/10/2016
Halka Hoose Ka Akhri Sadex Arimood Oo Marag Cad Uga Dhigayo In Xirsi Cali X Xasan Iyo Xilldhibaanku Heshiis Ku Ahaayeen Muranka Siyaasadaysan Ee Xanafta Iyo Xafiiltanka Siyaasadeed Keenay.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali X Xasan Waxuu Safka hore kaga jiraa Siyaasiyiinta Caanka ku ah in ay Kartidooda, Fahankooda,Maskaxdooda iyo Maalkooda ku Bixiyaan Xeelado Siyaasadeed oo Salka ku haya in Xafiiltan Siyaasadeed oo Weedho Xanafle Xambaarsan la dhex dhigo Laba Bulsho oo Walaalo ah waxaana hubaala in Xirsi Cali X Xasan uu Waqti kasta Qorshaynayo in uu Xafiiltan Siyaasadeed oo Weedho Xanafle Xambaarsan uu dhex dhigo Beesha Bariga Burco iyo Beesha Gobolka Gabiley oo Taariikhdu ka marag kacayso in ay hore Guulaysteen Isbahaysi Siyaasadeed oo ay yeesheen isagoo Xirsi Cali X Xasan Safka hore kaga jira Shaqsiyaadka ka Faa”iiday ee Magac iyo Maamuus Siyaasiya ku yeeshay Guushaa wada jirka lagu gaadhay Muddo Lix Sanno ahna ku fadhiyay Kursigii Wasiirnimo ee Madaxwayne Siiraanyo ugu dhawaa.
Siyaasiygan oo lagu Tilmaami karo Shaqsiyaadka sida Xun u fikira ee ku haboon in laga ilaaliyo Talada Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasada S/land, Hanti ama Maal uu yeesho iyo Talada Beelaha iyo Dhaqanka oo loo dhiibo iyadoo Xirsi Cali X Xasan Diiwaanada Taariikhda Qarniyo iyo Sanado Danbe lagu Xusi doono Qaladaadkii uu ka galay Qaranka S/land .
Iyadoo Bulshada Saaxada Siyaasada sida Joogtada ah ula socotaa ay yar tahay waxaa Warbaahinta laga dhagaystay Warka sheegaya Muranka Magaalada Gabiley ku dhex maray Xirsi Cali X Xasan Hogaamiyaha Xisbiga Wadani iyo Iid Xasan Cabdi oo ka mida Xilldhibaanada Golaha Deegaanka ee ka soo baxay Xisbiga Wadani iyadoo Warkani Maalmahan u danbeeyay noqday Sheekada loogu hadal haynta badan yahay marka aad eegto Goobaha lagu Kulmo ee lagu falanqeeyo Arimaha Siyaasada S/land .
Iyadoo Xogtani si cad u Iftiimisay in Xirsi Cali X Xasan iyo Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi ay Heshiis ku ahaayeen Murankii ku dhex maray Magaalada Gabiley Ujeedadooduna ahayd in Xafiiltan Siyaasadeed oo Weedho Xanafle Xambaarsan ay dhex dhigaan Beelaha Bariga Burco iyo G/Gabiley iyadoo Labada Siyaasi ku Guulaysteen in ay Bulshada Ruwaayadaa u Jilaan ama u Matalaan ball aaan dull joogsano Qodobo iftiiminaya in ay heshiis ku ahaayeen Labada Siyaasi ee ka tirsan Xisbiga Wadani Murankii Siyaasadaysanaa ee Weedhaha Xanafta leh Xambaarsanaa .
1: Muranka Weedhaha Xanafta leh Xambaarsan ee Warbaahintu baahisay sida Warku sheegayo in uu ku dhex maray Magaalada Gabiley Xirsi Cali X Xasan iyo Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi haduu yahay mid dhab ah oo si kadis ah u dhacay ma noqdeen mid Warbaahinta lagula dagdago oo Daqiiqado gudahood lagu baahiyo iyo Fadeexad Dibada uga soo baxda Xisbiga Wadani ee Gudahooda ayay Dhamaysan lahaayeen .
2: Muranka Weedhaha Xanafta leh Xambaarsan ee Warbaahintu baahisay sida Warku sheegayo in uu ku dhex maray Magaalada Gabiley Xirsi Cali X Xasan iyo Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi haduu ahaa mid dhab ah markuu gaadhay Madaxda Sare ee Xisbiga Wadani ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga ku sugan iyo C/raxmaan Cirro lana heshiisiiyay Labada Siyaasi si dhakhso ah ayay Warbaahinta uga hadli lahaayeen si ay Bulshada S/land u tusaan Midnimo iyo in laga Heshiiyay Murankii dhex maray Labada Siyaasi.
3: Muranka Weedhaha Xanafta leh Xambaarsan ee Warbaahintu baahisay sida Warku sheegayo waxuu ku dhex maray Magaalada Gabiley Xirsi Cali X Xasan iyo Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi sida la ii Xaqiijay waxuu dhacay waqti Habeenimo ah iyadoo markuu waagu baryay loogu Gar naqay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Wadani ku leeyahay Caasimada S/land ee Hargaysa iyadoo Warbaahinta lagu Baahin Heeshiiska danbe ee dhacay isagoo ka war haya Xirsi Cali X Xasan Weedhaha Xanafta leh iyo Xafiiltanka Siyaasadeed ee Xajiinta leh ee Murankoodii ka dhaliyay .
Hadaba inagoo ka duulayna Sadexdaa Qodob ee kor ku xusan waxaa Hubaala in Murankaa Warku sheegayo ee ku dhex maray Magaalada Gabiley Xirsi Cali X Xasan iyo Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi uu ahaa Ruwaayad ay matalayeen Labada Siyaasi ee Xisbiga Wadani ka tirsan iyagoo Ujeedadoodu ahayd in ay keento Weedho Xanafle iyo Xafiiltan Siyaasadeed oo Xajiin leh oo dhex mara Labada Beelood ee Bariga Burco iyo G/Gabiley .
Waxa Kale oo Xusid Mudan in (Xirsi Cali X Xasan) Muddo Lix Sanno ah Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo la soo shaqeeyey isagoo ku hawlanaa Lixdaa Sannoba In uu Iska hor-keeno Siyaasiyiinta ka soo jeeda Galbeedka iyo Waqooyiga Hargaysa oo geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay in uu Khilaaf dhex dhigo Beesha Murashaxa Xisbiga Kulmiye ka soo jeedo isagoo Murashaxiin badan midba mar Dhagta wax ugu sheegayay isagoo Xirsi Cali X Xasan ay ka Go”onayd in uu Taageero Murashaxa Xisbiga Wadani ee C/raxmaan Cirro.
Ugu danbayn marka aynu si mug leh diirada u saarno dhacdooyinkaa kor ku xusan waxaa hubaala in Xirsi Cali X Xasan uu Xeelad uu Xoogba ku bixiyay in uu Xafiiltan Siyaasadeed oo Weedho Xanafle Xambaarsan uu dhex dhigo Labada Beelood ee Bariga Burco iyo G/gabiley waxaanay noqon doonaan Xeeladahiisu kuwo Fashilma oo Guul daraysta waa Barri iyo Bill danbe hadii Alle yidhaa .
Erayadii iyo Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
Hargaysa S/land