Xog Lagu Xaman Jiray Ambassador Waran-cadde Oo Soo Noqotay Iyo Mabda’diisa Xisbiga KULMIYE Oo Uu Mugdi Geliyey

0
31

“Anigu Madaxweynaan U Shaqeeyaa, Dawladduna Xisbigay Kasoo Jeeddaa, Halkaas Wax Laga Qod-Qodaana Inaanay Jirin Baan U Malaynayaa….” Ambassador Waran-Cadde.

warancade

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, haatanna ah safiirka Somaliand ee waddanka Ethiopia Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa diiday inuu muujiyo taageeradiisa la xidhiidha dhinaca xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxana uu ka war wareegay inuu taageero buuxda u hayo xisbiga uu hadhkiisa dul joogo.

Wasiir waran-cadde oo u warramay telefishanka Star, ayaa su’aal laga weydiiyey inuu xisbiga KULMIYE taageeradiisa ka wareejiyey iyo in kale, ayaa dhinac ka dhaaftay jawaabtii laga filayey, waxana uu ku af-gobaadsaday inay xukuumadda uu u shaqeeyo iyo xisbigeedu isku mid yihiin,“anigu madaxweynaan u shaqeeyaa oo qarankaas u shaqeeyaa, dawladuna xisbigay kasoo jeeddaa, xisbiga iyo Dawladuna waa isku mid, halkaa wax laga qod-qodaana inaanay jirin baan u malaynayaa” ayuu yidhi ex. Wasiir waran-cadde.

Ambassador Waran-cadde oo hadalkiisa sii wata, ayaa shaaciyey in haddii uu sharcigu u ogolaan lahaa uu si madax bannaan isugu soo sharrixi lahaa madaxweynenimo, balse aanay taasi jirin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“waxa la diiday murrashax madax bannaan oo anigaaba maanta isa soo sharrixi lahaa haduu jiri lahaa, laakiin waxa loo diiday inaanu tafaraaruq ku iman shacabkii oo aynu qabyaaladda iyo gobolaysiga ka ilaalino.”

Cali Maxamed Waran-cadde oo haatan muddo bilo ah xilka wasiirnimo kasii maqnaa, ayaa lagu eedeeyaa inuu si hoose u taageero xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, iyada oo marar hore la sheegay inuu xataa murrashixiinta hungurigu kaga jiro golaha baarlamaanka ee soo socda, isla-markaana kasoo jeeda jifadiisa uu kula taliyey inay WADDANI iska sharraxaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here